Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo maanta la qorsheynayay inuu tego magaalada Baydhaba ayaa baaqday, kadib markii Koonfur Galbeed ay ka hor istaagtay inuu gaaro gudaha magaaladaasi.
Warar aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in hawada laga soo celiyay diyaarad sidday wafdi hordhac u ah Aadan Madoobe oo ay ku jiraan ilaaladiisa, kadib markii ay Koonfur Galbeed u diiday inay ka dagaan garoonka Shaati Gaduud, waxaana ugu dambeyn ay ku soo laabteen magaalada Muqdisho.
Safarka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa la xiriiray xallinta xiisadda ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed, balse ma suurtagalin, waxaana saameeyay go’aanka ay Koonfur ku joojisay diyaaradihii tegi jiray Baydhaba.
Ilo wareedyo xilkas ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in Koonfur Galbeed ay hubka culus ee lidka diyaaradaha gaysay garoonka Baydhaba, isla markaana ay u digtay diyaaradaha in ay soo qaadaan mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo xubnaha mucaaradka ee dagaalka kula jira madaxweyne Lafta-agareen.
Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale ujeedka ku sheegtay in go’aanakn uu la xiriiro xaqiijinta amniga deegaannadeeda, si looga hortego khatar dibadda ah.
Dhankeedka dowladda Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah, waxayna saaka ciidamo u dirtay magaalada Baraawe ee caasimada rasmiga ah ee Koonfur Galbeed, kuwaas oo loogu talagalay inay xoojiyaan ciidanka dowladda ee ku sugan halkaasi, sidoo kalena xaqiijiyaan amniga guud ee magaaladaasi.
Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed ayaa u muuqata mid kasii dareysa iyadoo meelaha qaar laga dareemayo abaabul ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyo muujinaya suurtagalnimada isku dhacyo hor leh.
Si kastaba, Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda labada dhinac oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo ay horay u taagnaayeen khilaafaad kale oo ka dhashay doorashooyinka heer Federaal iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka dhawaan la ansixiyay, kadibna uu saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

