Ciidanka KGS oo laga qabsaday Baraawe ayaa gaaray Kismaayo

|

KISMAAYO (Kaab TV) – Ciidamo ka tirsanaa ilaalada madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka baxsaday degmada Baraawe ayaa gaaray magaalada Kismaayo.

Qeybtii hore ee ciidamadan ayaa shalay soo gaartay Kismaayo, halka inta hartayna ay saaka si nabadgelyo ah u gaareen.

Saraakiisha booliska Jubaland ayaa xaqiijiyay in 123 askari oo ka tirsanaa ilaalada madaxtooyada Koonfur Galbeed ee ku sugnaa Baraawe ay dhammaantood si ammaan ah ku soo gaareen Kismaayo.

Degmada Baraawe, oo ah xarunta rasmiga ah ee Koonfur Galbeed, waxaa shalay la wareegay ciidamo ka tirsan dowladda federaalka oo la sheegay inay hab qabiil u abaabulan yihiin, kuwaas oo laga soo diray Muqdisho isla markaana doomo ku yimid Baraawe.

Saraakiisha amniga Jubaland ayaa sidoo kale xaqiijiyay in qeybtii ugu dambeysay ee ciidanka reer Koonfur Galbeed ay saaka abaare 9:30 subaxnimo (Sabti) kasoo degeen xeebta Kismaayo, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen Ciidanka Gaarka ah ee Booliska Badda Jubaland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubaland—oo ah ku-simaha Madaxweynaha—Wasiirka Amniga Jubaland, iyo Taliyaha Guud ee Booliska Jubaland ayaa si rasmi ah u soo dhoweeyay ciidankan gaaray Kismaayo.

Ciidankan ayaa shalay ka baxsaday Baraawe kadib markii ay gacanta u gashay ciidamo ka amar qaata dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo Hassan Sheikh Mohamud. Illaa shan doonyood ayaa lagu soo daadgureeyay ciidankaasi.

Haatan, ciidanka waxaa lagu hayaa Kismaayo, iyadoo ilo ka tirsan Jubaland ay sheegayaan in loo gudbin doono dhanka Koonfur Galbeed.

Si kastaba ha ahaatee, weli ma cadda sida ay dib ugu laaban karaan, maadaama isu socodka hawada ee u dhexeeya Baydhabo iyo Kismaayo uu xaniban yahay kadib xayiraad ay saartay dowladda federaalka Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News