BAYDHABO (Kaab TV) -Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, iyagoo si cad u taageeray go’aanka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, oo ay ku tilmaameen “tallaabo taariikhi ah” oo lagu ilaalinayo danaha gobolka iyo dalka kadib shir jaraaid ay goor dhow ku qabteen magaaladaasi.
Xildhibaan Aadan Saran-Soor oo kamid ah mudanayaasha maanta tagay Baydhabo ayaa sheegay in siyaasadda ay hadda dowladda federaalka wado ay halis gelin karto midnimada dalka, wuxuuna tusaale u soo qaatay wixii kala gaaray Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland.
Wuxuu xusay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay kali muda xileedkiisa uga hartay 53 maalmood, wuxuuna ku boorriyay in uusan qaadin talaabooyin kale oo keeni kara qalalaase siyaasadeed.
Saran-Soor ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ku guuldareystay ilaalinta midnimada dalka, Waxa uu cadeeyay in Koonfur Galbeed aysan aqbali doonin faragelinta arrimaheeda gudaha.
Waxa kale oo uu ugu baaqay kooxaha mucaaradka, gaar ahaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, in ay si buuxda u taageeraan mowqifka Koonfur Galbeed.
Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, oo isna Baydhabo ku sugan, ayaa sheegay in xal u helidda arrimaha Koonfur Galbeed uu ku jiro deegaanada gobolka, isla markaana aan waxba looga qaban karin Muqdisho.
“Xasan Sheekhoow bulshada kunool Koonfur Galbeed hadii aan wax latareen oo lataakuleeneen oo dhisidda nidaamkeeda siyaasadeed lagala shaqeeneen yaan ciidan inta la soo wato lagu duminin”.ayuu yiri Guddoomiye Mursal.
“Baydhabo macluul ayaa ka dhici doonto adiguuna alle kugula xisaabtami doona ogoow”. Ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Ugu dambeyntii Xildhibaan Xasan Cabdinuur oo qeyb ka ahaa Xildhibaanada maanta tagay Baydhabo ayaa ku tilmaamay in go’aamada hadda la qaadanayo ay yihiin kuwo loogu talagalay badbaadinta dadka iyo dalka ayna garab taagan yihiin Shacabka iyo Maamulka uu hogaamiyo Cabdicasiis Laftagareen.
Wuxuu sidoo kale digniin ka bixiyey in hubkii loogu isticmaalay magaca Soomaaliya uu ku burburinayo nidaamka Koonfur Galbeed.

