Somaliland oo soo dhoweysay hindise sharciyeed loo gudbiyay Wasiirka Maaliyadda Mareykanka

|

HARGEYSA (Kaab TV) – Xukuumadda Somaliland ayaa si weyn u taageertay hindise sharciyeed cusub oo xildhibaanno ka tirsan Aqalka Congress-ka Marekanka ay u gudbiyeen Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka kaasoo lagu doonaayo in Jamhuuriyadda Somaliland loogu furo ka qeyb galka fursadaha dhaqaale iyo nidaamka bangiyada dalka Mareykanka.

Hindise sharciyeedkan oo 19kii Maarso 2026 loo diray Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka, ayaa waxaa soo saaray xildhibaan John Rose oo laga soo doorto gobolka Tennessee, waxaana kala qeyb qaatay mudanayaasha kala ah: Pat Harrigan oo kasoo gala Waqooyiga Carolina iyo Andy Ogles oo kasoo gala Tennesse.

Muxuu yahay hindisaha cusub?

Xeerka hindisaha oo hadda ku jira marxaladda koowaad ee bandhigga wuxuu aqoonsanayaa caqabad muhiim ah: Somaliland waxay la tacaalaysaa xannibaado waaweyn oo ka haysta helitaanka nidaamyada maaliyadeed ee Maraykanka iyo kuwa caalamiga ah—taas oo saameyn ku leh bangiyada macaamiisha, ganacsiga, la dagaallanka argagixisada, iyo ka hortagga lacag dhaqidda.

Caqabadahan waxay saameynayaan 6.2 milyan oo muwaadiniin Somaliland ku nool, waxayna xaddidayaan iskaashiga dhaqaale ee ay Somaliland la yeelan karto saaxiibada istaraatiijiga ah.

Xeerkan wuxuu farayaa Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka inuu Kongareeska u gudbiyo warbixin dhammaystiran muddo 180 maalmood gudahood ah, taas oo falanqaynaysa:

• Caqabadaha sharci iyo nidaam ee hortaagan helitaanka adeegyada maaliyadeed, oo ay ku jirto nidaamka lacag-bixinta ee SWIFT

• U hoggaansanaanta heerarka caalamiga ah ee AML/CTF

• Tallaabooyinka ay Somaliland qaadi karto si ay u xoojiso hufnaanta

• Sida Maraykanku u fududeyn karo iskaashi maaliyadeed oo mas’uul ah.

Bangiyada Somaliland iyo hay’adaha maaliyadda ayaa weli aan awoodin inay caalamka toos ula macaamilaan, maadaama aysan Somaliland helin aqoonsi caalamka oo dhan ah, walow muddo ka badan 36 oo ay Somaliland haysatay amni, baasaboor, calan iyo ciidan u gaar ah, ayna hirgalisay doorashooyin dimuqraadi ah oo is xigxigay.

Haddii xeerkan uu meelmaro, wuxuu noqonayaa sharci taasoo markaa hay’adaha maaliyadda ee Mareykanka oo ay ku jiraan kuwa dowladda iyo kuwa gaarka u ogolaanaya inay macaamil la yeelan karaan Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa tallaabo “taariikhi” ah ku tilmaantay soo jeedinta iyo gudbinta hindishe sharciyeedkan.

“Tallaabo taariikhi ah oo u ah xiriirka Somaliland iyo Maraykanka, isla markaana muhiim u ah xasilloonida gobolka,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Daahir Aadan oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.

Dhammadii bishii Disembar sannadkii hore ayay Somalilans aqoonsi ka heshey Israel, taasoo ka dhigeysa waddankii ugu horreeyay ee aqoonsada Somaliland tan iyo 1991 markii ay Somaliland ka baxday Soomaaliya.

Somaliland ayaa dhowaan ku martiqaaday Mareykanka inay ka faa’iideysato dekedda Berbera, oo ay ku jirto suurtagalnimada saldhig ciidan oo saaran Gacanka Cadmeed, taasoo ay Somaliland ku dooneyso inay kaga hesho Dowladda Mareykanka aqoonsi rasmiga ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News