MUQDISHO (Kaab TV) -Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan kula qaatay magaalada Muqdisho madaxa Taliska Hawlgallada Gaarka ah ee Mareykanka ee Afrika (SOCAF), Sareeye Gaas Claude K. Tudor, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga amni ee labada dhinac iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxaha Daacish iyo Alshabaab.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyada oo loo marayo tababaro ciidan, taageero farsamo, iyo is-weydaarsi khibradeed.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay muhiimadda ay leedahay in la dedejiyo howlgalada militari ee ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah, iyagoo muujiyey go’aan mideysan oo lagu xoojinayo waxtarka hawlgallada dhulka ka socda.
Labada taliye ayaa sidoo kale iftiimiyey baahida loo qabo in la sii xoojiyo iskaashiga u dhexeeya ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah, gaar ahaan howlgalada wadajirka ah ee lagu beegsanayo kooxaha Al shabaab iyo Daacish.
Kulankan ayaa imanaya xilli dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo amniga iyo xasilinta deegaannada ay wali ka dhaqaaqaan Kooxaha Daacish iyo Alshabaab.

