MUQDISHO (Kaab TV) -Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Caddaaladda ee ku saabsan magacaabista Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.
Waxaana Xilkii laga qaaday Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan oo loo yaqaanay “Taliye Shub”, oo ah sodoga Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Cabdicasiis Laftagareen, kadib kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha wasiirrada.
Maalmahan, Taliye Mahad ayaa la aaminsanaa inuu u janjeersanaa aragtida Laftagareen, isagoo dhinac ka taageerayay Koonfur Galbeed, taasoo keentay in xilka laga qaado.
Sarreeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa horey u soo qabtay xilalka Wasiirnimo iyo sidoo kale Taliyaha Booliiska iyo Nabad Sugidda, taasoo muujineysa khibradiisa iyo awoodiisa hoggaamineed.
Shirka maanta waxaa guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyadoo Golaha Wasiirrada ay ku mideysanyihiin taageerada tallaabadan cusub ee lagu xoojinayo maamulka iyo hufnaanta Ciidanka Asluubta.

