4.5 waa caqabad, balse xirfadaha ayay dhallinyaradu kaga gudbi karaan shaqo la’aanta – Cabdiqani Saalax oo ku nool Muqdisho

|

MUQDISHO (Baraarug) – Cabdiqani Saalax ayaa Baraarug u sheegay in weli habka 4.5 ee wax ku qeybsiga qabiilka uu yahay caqabad weyn oo ka hor istaagta dhallinyarada inay helaan fursado shaqo oo siman.

Wuxuu sidoo kale xusay in ay jirto yaraanta xirfadaha, maadaama dhallinyaro badan oo ka qalin-jabisa jaamacadaha aysan lahayn xirfado shaqo oo si toos ah loogu baahan yahay suuqa, halka fursadaha shaqo laftoodu ay aad u kooban yihiin.

Dhammaan arrimahan, oo ay sii dheer tahay in dowladdu aysan awoodin inay bixiso shaqooyin badan, isla markaana ganacsiyada gaarka loo leeyahay ay xaddidan yihiin, ayaa sababaya in dhallinyarada ay si weyn uga niyad-jabaan helitaanka fursado nololeed.

Cabdiqani wuxuu kula dardaarmay dhallinyarada inay dadaal dheeraad ah sameeyaan, naftoodana aaminaan, isla markaana bartaan xirfado wax ku ool ah si ay u horumariyaan noloshooda una abuuraan fursado cusub.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News