BAYDHABO (Kaab TV) – Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xalay [27 Maarso 2026] yeelatay gole cusub oo Baarlamaan kaasoo ka kooban 95 xubnood, sida uu shaaciyay guddiga doorashada Koonfur Galbeed.
Xildhibaanada oo intooda badan ah kuwii hore, ayaa ka kooban 95 xildhibaan oo ka kala yimid qabiillada ku nool deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Baarlamaanka cusub oo noqonaya kii saddexaad ee ay yeelato dowladda Koonfur Galbeed tan iyo markii la aas aasay ayaa waxay muddo xileedkoodu noqonayaa 2026 – 2030.
Baarlamaanka cusub waxaa ku jira 12 haween ah oo kaliya, taasoo ka dhigan 12.6% inay haweenka ka yihiin Golaha Wakiilada Dowladda Koonfur Galbeed.
Xildhibaanada cusub oo maanta oo Sabti ah [28 Maarso 2026] la dhaariyay ayaa durba doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dr Cali Saciid Fiqi iyo ku xigeenkiisa Shamsa Maxamed Yarow, halka Madaxweynaha KGS loo doortay Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo heley 66 cod.
Doorashada ayaa ka dhacday magaalada Baydhabo xilli ay ciidamo iyo maleeshiyaad ay taageereyso Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo ruqaansadeen magaalada Buurhakaba kuwaas oo sheegay inay diidan yihiin doorashada ayna duullaan ku soo yihiin Baydhabo, halka ciidamada Koonfur Galbeed ay difaac kaga jiraan duleedyada magaalada.
Liiska xildhibaanada cusub oo uu shaaciyay guddiga doorashada ayaa ah sidatan:



![Xildhibaanada cusub oo maanta oo Sabti ah [28 Maarso 2026] la dhaariyay ayaa durba doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dr Cali Saciid Fiqi.](https://kaabtv.com/wp-content/uploads/2026/03/657276750_1464829701993047_2392732298656527525_n-1024x683.jpg)
![Xildhibaanada cusub oo maanta oo Sabti ah [28 Maarso 2026] la dhaariyay ayaa durba doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dr Cali Saciid Fiqi iyo ku xigeenkiisa Shamsa Maxamed Yarow, halka Madaxweynaha KGS loo doortay Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo heley 66 cod.](https://kaabtv.com/wp-content/uploads/2026/03/658889269_1464838685325482_3700897323211960772_n-1024x683.jpg)

