Xisbiga Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo billaabay ololaha Doorashada

|

Jabuuti (Kaab TV) –Xisbiga Talada Jamhuuriyadda Jabuuti haya ayaa billaabay ololaha doorashada qabsoomaysa 10ka April 2026, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo mas’uuliyiin kale ayaa gudagalay dhex galista dadka codaynaya si markale dalkaas u hoggaamiyaan.

Madaxweyne Ismaaciil ayaa doonaya in uu ku guulaysto doorashadaan, waxa uu sameeyay ballanqaad kala duwan uu fulin doonno haddii uu ku guulaysto doorashada dhowaan qabsoomi doonta sida ay ku warrameen xubno katirsan Xisbigiisa.

Xisbi weliba waxa uu haysta waqti ku filan uu kusoo bandhigayo ololahiisa doorashada, goobaha loogu talagalay in uu taageerayaashiisa uu kula hadlo ayaa aad looga shaqeeyaa loona diyaariyaa si maalintiisa u wanaagsanaato.

Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu xilka dalkiisa hayaa 27 sano, waxaa jira xubno katirsan mucaaradkiisa oo ku dhaliilaya in uu marweliba ku shubto doorashada isla markaana la rogo natiijada dadka codaynaya inkasta oo uu iska fogeeyay eedahaas.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News