BAYDHABO (Kaab TV) – Ugu yaraan siddeed ruux ayaa ku dhimatay iyo tiro kale way ku dhaawacmeen dagaal labo maleeshiyo ku dhex maray xarunta degmada magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay maalinkii Khamiista ee shalay.
Dagaalka ayaa ka bilawday xarunta degmada Baydhabo halkaas oo ay qabsadeen maleeshiyo beeleed uu horkacaayo nin lagu magacaabo Macallin Caddow kaasoo sheegtay inuu yahay guddoomiyaha degmada Baydhabo isagoo aan loo magacaabin.
Maleeshiyo kale oo ka horjeesatay sheegashada Macallin Caddow ayaa weerar ku qaaday kooxda Macallin Caddow taasoo sababtay dagaal waqti kooban socday.
Sarkaal u hadlay kooxda weerarka qaaday oo lagu magacaabo Sadiiq Doodishe ayaa sheegay in dhinaca kale ay ka qabsadeen 13 qori, isla markaana lasoo qabtay illaa 7 nin oo ka mid ah maleeshiyaadkii dagaalamaysay ee ka tirsanaa kooxda Macallin Cadow.
Magaalada Baydhabo ayaa ku jirta xaalad degannaansho la’aan ah tan iyo maalinkii Isniinta markii uu meesha ka baxay maamulka Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen kaasoo magaalada isaga dhoofay una duulay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Dowladda Federaalka ciidamo ay wadato iyo maleeshiyo beeleed kasoo duulay dhanka Buurhakaba ayaana gacanta ku dhigay Baydhabo.
Raisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Arbacii wareegto ugu magacaabay ku xigeenkiisa Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi in uu noqdo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

