MUQDISHO (Kaab TV) – Weerar hoobiyaal ah ayaa maanta markale lagu beegsaday garoonka diyaaradaha ee Shaati Gaduud ee magaalada Baydhabo, xilli ay garoonka ka degtay diyaarada Muqdisho ka timid oo uu la socday Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka ee NISA Mahad Salaad.
Ilo wareedyo ayaa Kaab TV u sheegay in hoobiyaasha ay ku dheceen meel u dhow garoonka, taasoo qalqal galisay dadkii ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee Baydhabo.
Lama sheegin cid wax ku noqotay weerarka saaka.
Waa weerarkii labaad ee hoobiye loo adeegsaday oo lagu beegsado garoonka Baydhabo muddo toddobaad gudihiisa ah.
Jimcihii ayay Shabaab weerar ku qaadeen garoonka Shaati Gaduud xilli ay halkaasi gaartay diyaarad uu la socday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Tiro saddex hoobiye ah ayaa ku habsaday gudaha iyo hareeraha garoonka oo ay ku jiraan qeybta dadka ka dhoofaan, waddada diyaaradaha maraan taasoo keentay in madaxweyne Xasan Sheekh uu si deg deg ah uga cararo garoonka.
Waxaa magaalada Baydhabo ku sugan madaxda Dowladda Federaalka oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isku dayaaya inuu doorasho deg deg ah ka qabto Baydhabo, walow dadka aan la hadalnay ay sheegayaan in odayaal dhaqameedka iyo siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ay dalbanayaan in ay u baahan yihiin dib u heshiisiin in loo sameeyo marka hore.
Dadka ku nool Baydhabo ayaa walaac weyn ka muujinaya in weerarada Shabaab ay soo badanayaan xilli ay xaalad amni darro gashay Baydhabo.
Maamulkii Koonfur Galbeed ee ka talin jiray magaalada ayaa meesha ka baxay toddobaadkii hore ka dib markii ciidamo huwan ah oo isugu jira maleeshiyaadka qabaa’ilka iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay la wareegeen magaalada.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ka dib toddobo sano oo Baydhabo ay ku jirtay xaalad deganaansho ay hadda Shabaab soo fariisteen daafaha magaalada ayna weeraro ku soo qaadayaan garoonka diyaaradaha iyo xaafadaha magaalada ee shacabka ku nool yahay.

