Wararka Muqdisho ka dib dagaal dhul boob ka bilawday oo ka dhacay Dayniile

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Dhowr ruux oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay dagaal dhul boob ka bilawday oo maanta [Arbacada] ka dhacay xaafadda Warlaliska ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in saaka waaberigii ay soo weerareen ciidan duulaan ah oo rabay inay dhulka qabsadaan, kuwaas oo uu hoggaaminayay sarkaal ka tirsan booliska oo lagu magacaabo Yaasiin Ganey.

Dadka deegaanka ayaa sameeyay iska caabin iyadoo dagaal uu dhex maray ciidanka duulaanka ahaa iyo dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa sababay in ciidamada booliska ay dib uga soo gurtaan xaafaddaasi, waxaana ciidanka ay ka soo carareen baabuur ay wateen oo nooca qoryaha ku rakiban yihiin ah, kaas oo galabta si waanwaan ah looga soo jiiday goobta.

Qaar ka mid ah haweenka deegaanka Dayniile oo galabta warbaahinta la hadlay ayaa ka digay in dhulkooda si xoog ah lagu qaato, waxayna sheegeen inay beegsan doonaan shakhsiyaadka dhul boobka wada oo ay tilmaameen inay yihiin kuwo si tuuganimo ah ku socda.

Waxaa jira odayaal deegaanka oo labo ka mid ah dhaawacyo soo gaareen, kuwaas oo la sheegay in booliska weerarka soo qaaday ay jirdil u geysteen.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News