Dhallinyaro xalay lagu xiray Muqdisho iyo hotelka Jazeera oo ciidamo ay galeen

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Ciidan ka tirsan nabadsugidda Soomaaliya iyo kuwa booliska oo la sheegay inuu hoggaaminaayey sarkaal lagu magacaabo Cabdi Cali ayaa xalay si xoog ah ku galay hotelka Jazeera oo ka mid ah hotelada ay ku badan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ee Muqdisho.

Afhayeen u hadlay isbahsysiga mucaaradka Maxamed Aadan Koofi ayaa sheegay in ciidankaasi ay qabteen labo dhallinyaro kala ah Sharma’arke Maxamuud Axmed iyo Najiib Cali Cosoble kuwaas oo ka mid ah xubnaha firfircoon ee dhallinyarada magaalada Muqdisho.

“Waxaan si adag u cambaaraynayaa afduubka xalay Muqdisho loogu gaystay dhallinyarada kala ah: Najiib Cali Cosoble iyo Sharmaarke Maxamuud Axmed, welina aan la ogayn halka ay ku afduuban yihiin,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Koofi.

“Waxaan ku baaqayaa in degdeg xorriyaddooda loo siiyo dhalinyaradaan iyo sidoo kale Sacdiyo Macallin Cali oo hore u afduubnayd, lana joojiyo xadgudubyada noocaan ah,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Mid ka mid ah goob joogayaasha ayaa sheegay in dhallinyarada ay ku nasanayeen hotelka oo aalaaba loo tago kulamo, ayna ku degaan dadka qurbe joogta ah.

“Ma jirin wax dhib ah oo ay wadeen, dhallinyarada hotelka ay iskaga caweynayeen,” ayuu yiri Cabdifataax Qorane.

Weerarka ayaa la sheegay in ciidanka ay ku qaadeen hotel iyagoo baadi goobaya dhallinyarada firfircoon ee dhaliisha u jeedisa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan waqtiga xilkiisu dhammaadka yahay.

Toddobaad ka hor ayaa dhallinyarada Muqdisho, oo ay ku jiraan dhalinyarada xalay la xiray waxay ku baaqeen in shirweyne loo qabto dhallinyarada si looga hadlo dhammaadka muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku eg 15 May 2026.

Xariggan ayaa yimid saacado uun ka bacdi markii taliyaha booliska Gobolka Banaadir uu ku hanjabay in la xiri doono ciddii ka hadasha dhammaadka muddo xileedka Xasan Sheekh iyo bedelidda dastuurka oo illaa haatan muran badan uu ka jiro.

Muddada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku ekaa maalintii Talaadada ee 14 April 2026.

Soomaaliya ayaa haatan wajahaysa xaalad sugnaansho la’aan siyaasadeed iyo mid amni iyadoo uusan jirin wax heshiis ku saabsan habka doorashada loo qabanaayo iyo sida looga baaqsan karo marnaanshiyo dastuuri oo hadda dalku uu ku sii socdo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News