BAYDHABO (Kaab TV) – Saraakiisha ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay inay diidan yihiin duulaanka ay Dowladda Federaalka ku qaaday Baydhabo bishii lasoo dhaafay.
Labo sarkaal oo ka tirsan kuwa ciidamada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kuna dhowaa Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa sheegay inay ka horjeedaan in ciidamo siday sheegeen diyaarado wata ay qabsadaan Baydhabo.
Waxay sidoo kale ka horjeesteen qorshaha doorashada lagu muransan yahay looga sameynaayo magaalada Baydhabo.
Daa’uud Maxamed Cabdiraxmaan (Daa’uud Jiroon) oo ah afhayeen ciidamadan ayaa sheegay in muddooyinkaan ay dulqaadanayeen, balse sida uu sheegay lala fahmi waayay nabadda ay raadinayeen.
“Baydhabo waxay ahayd meel lagu dagaalamay. Anaga waxaan rabnay in bulshada dhibaateysan inaan dhib kale loogu darin,” ayuu yiri Daa’uud.
“Soomaaliya degmo degmo ku duuashay ma jirto, gobol gobol kale qabsadayna ma jiro,” ayuu sii raaciyay isaga oo ku tilmaamay weerarkii ay ciidanka dowladda federaalka iyo maleeshiyaad beeleed taabacsan ku qabsadeen Baydhabo mid duulaan toos ah.
Wuxuu ka digay in doorasho lagu qabto magaalada Baydhabo.
“Wax doorasho inta kama dhacayso. Doorashadan anaga ayaa qabsaneyna oo dadka deegaanka ayaa qabsanaaya,” ayuu yiri Daauud.
Saraakiishaan ayaa ku baaqay in ciidamada laga keenay Muqdisho dib loogu celiyo meeshii laga keenay.
Taliyaha ciidankan oo lagu magacaabo Col. Isaaq Meedeey ayaa isagana ka digay duuliimaadyada imaanaya magaalada Baydhabo.
Waxay ku dhawaaqeen in garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo uu xiran yahay, iyagoo u digay diyaaradaha rayidka ee imaanaya magaalada Baydhabo.
Dhammaadkii bishii hore ayay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ka bexeen magaalada Baydhabo, iyadoo madaxweynihii maamulka Cabdicasiis Laftagareen uu u baxsaday dalka Kenya.
Waxaana magaalada Baydhabo markaasi la wareegay ciidamada Dowladda Federaalka oo ay caawinayaan diyaaradaha drones-ka Turkida iyo maleeshiyaad beeleedyo ka yimid dhanka Muqdisho iyo Buurhakaba.
Dhawaaqa cusub ee kasoo yeeray saraakiishan ayaa muujinaya in xaaladda colaadeed ee Koonfur Galbeed aysan weli dhamaan, iyadoo uu hirgali la’ yahay isku dayo dib u heshiisiin loogu sameynaayo dadka deegaanka.

