Dawladda Somaliya oo sannadkii lacag ka badan $14M oo dollar ka qaado diyaaradaha isticmaala hawadda Somaliland

|

MUQDISHO (Kaab TV) -Dawladda Soomaliya ayaa sannadkii lacag ka badan $14M oo dollar ka qaado diyaaradaha isticmaala hawadda Somaliland,Sida ay noo xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoonaan karo waxa 24-kii saacadood hawada Somaliland mara 100 duulimaad oo duulimaad kasta ay Somaliya ka qaado lacag dhan $395 dollar.

Marka 100 kaa duulimaad ee sida maalin laha ah u adeegsada Hawada Somaliland lagu dhufto $395 ee Air navigation fee-ga ah 100*$395 waa $39500 marka loo bedalo bil oo lagu dhufto 30-ka maalmood ee bisha $39500*30 waa $1,185, 000 marka loo bedalo sannad oo lagu dhufto 12- bilood ee Sannadkii $1,185, 000*12 waa $14.220,000.

Lacagta intaa leeg oo wax badan ka bedeli lahayd nolosha bulashada Somaliland waxa ay jeebka ugu dhacdaa ashkhaas kooban oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

Somaliland Arrintan maxay talaabo ka qaaday?

Sannadkii 2024 oo Somaliland iyo Soomaliya uu dhex maray dagaal dhinaca Hawada ah oo adkaa isla markaasina ka bilaabmay duulimaad Addis ababa ka yimid oo Somaliya celisay waxa ay Somaliland qaadatay go’aan ah in ay khal khaliso hawada isla markaasina waxa hawada Somaliland ka leexday diyaarado badan oo amaro iska hor imanaya ay kala siiyeen Hargaysa iyo Muqdisho.

Sidaa darteed waxa sannad gudihii Somaliya wayday lacag ku dhaw $10M oo dollar waxaana marar badan ay Dawladda Somaliya codsatay in la wada hadlo.

Dhinaca kale bilawgii xukuumadda Madaxwayne Cirro in kaste oo ay dagaalka Hawada mar kale bilawday isla markaasina ay amartay in hawada Somaliland aanay mari karin diyaarad aan lasoo xiriirin hadana waxa muuqata in arrintaasi ay hadda hoos u dhacday oo ay soo noqdeen diyaarado badan oo khilaafkii hawada awgeed u leexday.

Sidoo kale waxa maalmahan dambe si weyn iskusoo taraya oo mucaaridka Somaliland xukuumadda ku eedaynayaan in ay ka gaabisay wax ka qabashada caqabada E-visa oo ah arrin culays dhaqaale ku ah Qurba joogta Somaliland ee dalka kusoo noqonaya.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macalin Xasan, ayaa Sidoo kale soo bandhigay xog ku saabsan kobaca duulimaadyada hawada dalka iyo qorshayaasha mustaqbalka ee lagu horumarinayo kaabayaasha duulista Soomaaliya.

Maareeyaha ayaa sheegay in xilligan ay hawada Soomaaliya maalin kasta isticmaalaan qiyaastii 500 oo diyaaradood, isagoo xusay in dowladda ay hiigsanayso in tiradaas la gaarsiiyo 1,000 diyaaradood muddo 24 saac gudahood ah.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu carrabka ku adkeeyay in hadafkan lagu gaari karo oo qura marka dalku helo garoon diyaaradeed oo casri ah, kaas oo dabooli kara baahiyaha sii kordhaya.

Axmed Macalin Xasan ayaa si gaar ah u iftiimiyay caqabadaha ka jira Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

May be an image of newsroom and dais
Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Axmed Macalin Xasan
“24 saac gudahood hawada Soomaaliya waxaa isticmaala 500 diyaaradood, intaasi tirada waa ka kordhi laheyd balse Garoonkeena Aadan Cadde ayaan u diyaarsaneyn” ayuu yiri Maareeye Axmed Macalin

Maareeyuhu wuxuu intaas ku daray in inkastoo hawada Soomaaliya ay tahay mid mashquul ah, haddana culeyska dhanka dhulka ah (Garoonka) uu hortaagan yahay in la kordhiyo tirada diyaaradaha isticmaala hawadeena.

Si xal loogu helo caqabadaha dhanka kaabayaasha, Maareeyaha Hay’adda Duulista ayaa shaaca ka qaaday in xalku yahay dhismaha Garoon Cusub oo Caalami ah.

Garoonkan ayaa qorshuhu yahay in laga hirgeliyo aagga xeebta gobolka Shabeellada Dhexe.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News