Xuquuq ma helaan Bajaajleyda?

|

MUQDISHO (Baraarug) – Maxamed Xuseen oo bajaaj ku wada magaalada Muqdisho ayaa sheegay in inkastoo dhallinyaro badan ay sabri waayeen oo ay dalka ka tahriibeen, haddana uu isagu go’aansaday inuu sii joogo Muqdisho.

Wuxuu tilmaamay in shaqada uu ku jiro ay halis weyn leedahay, gaar ahaan dilalka iyo tacaddiyada ay mararka qaar kala kulmaan qaar ka mid ah ciidamada dowladda.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in baro-koontaroolo badan oo magaalada yaalla ay waqti badan ka lumiyaan, taasoo saameyn ku yeelata shaqadooda iyo dakhliga maalinlaha ah.

“Sababo badan oo igu kalifaya inaan dalka ka tago waa jiraan, laakiin waan iska joogay,” ayuu yiri Maxamed Xuseen.

Wuxuu intaa ku daray in amni-darro jirto oo dhibaato ku haysa dadka rayidka ah, isla markaana uu niyad-jab ka qabo sida loo sii daayo dadka dambiyada gala marka la xiro.

“Dowladda kama helo xaqeyga,” ayuu yiri markii la weydiiyay sida uu u arko helitaanka xuquuqdiisa.

Ugu dambeyn, Maxamed Xuseen ayaa sheegay in bangiyada aysan siinin maalgelin ku filan dhallinyarada, isagoo xusay in uusan jirin bangi si daacad ah ugu adeega dadka caadiga ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News