Labada doorasho ma iskugu mid bay u tahay haweenka?

|

GAROWE (Baraarug) – Doorashada dadban iyo midda tooska ah, midkee ayay haweenku ka heli karaan fursado ay ku gaaraan kuraasta siyaasadeed ee ay u qalmaan, ayaa noqotay dood muhiim ah oo sii xoogeysanaysa.

Inkasta oo haweenka iyo dhallinyarada ay yihiin tirada ugu badan ee codeeya Soomaaliya, haddana tusaalooyin badan ayaa muujinaya in haweenku aanay si siman uga helin kuraasta siyaasadeed doorashooyinka kala duwan.

Arrintan ayaa si gaar ah looga dareemay doorashooyinkii ka dhacay Puntland 2023 iyo Somaliland 2024, halkaas oo haweenka ay ku yaraayeen kuraasta ay ku guuleysteen, marka la barbar dhigo doorkooda weyn ee ka qaybgalka codbixinta.

Dood ku saabsan arrintan ayaa laga qabtay Baraarug Forum, waxaana ka qeyb galay haween, dhallinyaro, suxufiyiin, ururrada bulshada, odayaasha dhaqanka, siyaasiyiin, mas’uuliyiin dowladeed iyo wakiillo ka socday ururrada siyaasadda. Waxaa lagu falanqeeyay caqabadaha hortaagan matalaadda haweenka iyo sidii loo heli lahaa hannaan doorasho oo cadaalad ah oo fursad siinaya dhammaan bulshada.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News