GAROWE (Kaab TV) – Odayaasha dhaqanka iyo qeybo ka mid ah bulshada rayidka ayaa rumeysan in doorasho dimuqraadi ah ay haweenku wax ka heli karaan, sida uu sheegay nabadoon Cabdikaafi Sheekh oo ku sugan Garowe.
Nabadoonka oo ka mid ah odayaal dhaqameedka Puntland ayaa isaga oo ka qeyb galaayay dooda Baraarug Forum wuxuu sheegay in aysan muuqan hab doorashada 2026 looga dhigi karo mid toos ah, maadaama aysan diyaarsaneyn waxyaabihii loogu baahnaa hirgelinta doorashada dimuqraadiga ah.
“Anigu waxaan qabaa in doorashadan loo daayo odayaasha dhaqanka oo ay iyagu soo xulaan ergada xildhibaanada dooraneysa,” ayuu yiri nabadoon Cabdikaafi.
Nabadoonka ayaa sheegay in haddii Soomaaliya ay gaarto doorasho toos ah in markaasi haweenku ay heli karaan mataalad fiican, isagoo meesha ka saaray eedeynta had iyo jeer loo jeediyo odayaal dhaqamadeedka e ah inay diidan yihiin kaalinta haweenka Soomaaliyeed ee siyaasadda.

