Hargeysa(Kaab TV) -Golaha Wasiirada Xukuumadda Israa’iil ayaa ansixisay magacaabista safiirkii ay dowlada Israa’iil dhawaan usoo magacawday Somaliland, sida lagu sheegay war ka soo baxay dowladda Israa’iil.
Golaha wasiirrada ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa oggolaaday magacaabista Danjire Michael Lotem, kadib soo jeedin uu sameeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Sa’ar.
Wararku waxay sheegayaan in tallaabadan ay qayb ka tahay geeddi-socodka lagu ballaadhinayo xidhiidhka u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland, kadib aqoonsigii ay Israa’iil siisay Somaliland dabayaaqadii 2025. Safiirka la magacaabay ayaa la filayaa inuu u shaqeeyo si aan joogto u deggenayn Somaliland.
Michael Lotem ayaa ah diblomaasi leh waayo-aragnimo, wuxuuna hore uga soo shaqeeyay xilal safiirnimo oo kala duwan, oo ay ku jiraan dalalka Kenya, Azerbaijan iyo Kazakhstan. Hadda waxa uu dalkiisa u qaabilsanyahay arrimaha dhaqaalaha qaaradda Afrika.
Israa’iil ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii Diseembar 2025. Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991, balse wali ma helin aqoonsi caalami ah oo dhamaystiran.
Labada dhinac ayaa sheegay in ay hore uga wada hadleen iskaashi dhinacyo kala duwan leh, oo ay ku jiraan amniga, ganacsiga iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, inkasta oo faahfaahin dheeraad ah aan si rasmi ah loo shaacin.

