MUQDISHO (Kaab TV) -Kulan xasaasi ah oo u dhexeeya beesha caalamka iyo xubnaha mucaaradka ku mideysan Golaha Mustaqbalka ayaa maanta ka dhacay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa waxaa si fogaan-arag ah uga qeyb galay madaxda dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, oo qeyb ka ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan habka ay Dowladda Federaalka u waddo doorashooyinka aan weli lagu heshiin, kuwaas oo muran xooggan dhaliyay.
Wararka ayaa sheegaya in dhinacyada kulmay ay isla falanqeyeen xaaladda guud ee siyaasadeed ee dalka iyo marxaladda kala guurka, iyadoo la isku dayayo in la helo aragti mideysan oo lagu wajahayo xaaladda cakiran.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore ugu sheegtay beesha caalamka in aysan ka tanaasuli doonin hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, isla markaana ay qorsheyneyso in doorashadaas la qabto sannadkan gudihiisa.
Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku adkeysanaya in muddo xileedka dowladda uu ku egyahay 15-ka May, haddii la raaco dastuurkii heshiiska lagu ahaa, taas oo sii xoojisay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka.
Kulankan Xalane ayaa imanaya xilli la dareemayo in doorka beesha caalamka uu sii xoogeysanayo, maadaama dalka uu wajahayo marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah iyo hubanti la’aan ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo wakiiladu ka shaqeynayaan sidii xiisadda loo dejin lahaa.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad xasaasi ah, waxaana la isku hayaa nooca doorasho ee ka dhaceysa dalka, taas oo khilaaf ka dhex dhalisay Villa Soomaaliya, mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada dalka.

