Xaaladda ammaan iyo tan siyaasadeed ee magaalada Muqdisho oo gashay weji cusub

|

MUQDISHO (Kaab TV) kaddib markii uu soo shaac baxay khilaaf xooggan oo u dhexeeya Madaxtooyada Soomaaliya iyo Jeneraal Saneey Cabdulle. qodobbada xasaasiga ah ee horseeday iska hor-imaadkan, iyo cabsida sii kordheysa ee ku wajahan taariikhda 15-ka May.

Saneey Cabdulle waxaa lagu xasuustaa inuu ahaa sargaalkii furimaha dagaalka ee Aadan Yabaal isaga soo baxay xilli lagu guda jiray howlgal culus. Isagoo adeegsanaya marinno dadban, ayuu gaaray Guriceel, halkaas oo uu uga sii gudbay Mudug, ugu dambeyntiina xeebta ka soo galay magaalada Muqdisho. Soo laabashadiisa aan amar lagu bixin ayaa ahayd isha shakigii ugu horreeyay ee dhinaca ciidanka.

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in kulan qarsoodi ah uu dhex maray Saneey Cabdulle iyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, iyadoo la sheegay in miiska loo saaray lacag dhan 2 milyan oo doolar. Ujeedka lacagtaas ayaa lagu sheegay in Saneey lagu dhiirrigeliyo inuu muujiyo dhabar-adayg, isla markaana uu ka hortago qorshe kasta oo dowladda hadda jirta ku doonayso muddo-kororsi wixii ka dambeeya 15-ka May. Saneey ayaa la rumeysan yahay inuu aqbalay qorshahaas, taas oo shaki weyn iyo walaac ka abuurtay gudaha Madaxtooyada soomaaliya.

Kadib Arrintaas, Saneey Cabdulle ayaa isaga soo baxay magaalada Jowhar, isagoo ciidankiisii iyo hubkiisii u soo raray aagga Gubadley. Waxaa la xaqiijiyay inuu gacanta ku hayo ku dhowaad 300 askari oo si gaar ah isaga ugu daacad ah (Loyalists). Ciidankan iyo hubka culus ee ay wataan ayaa walaac xooggan ku abuuray Madaxtooyada Soomaaliya , maadaama loo arko ciidan beeleed si gaar ah u abaabulan, oo suurtagal ahaan gurmad u noqon kara mucaaradka haddii khilaafka doorashada la xallin waayo.

Isku-dhaca rasmiga ah ayaa cirka isku shareeray markii xilka laga qaaday Jeneraal Odowaa. Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga, Ibraahim Sheekh, ayaa soo saaray amar cad oo ah: “In dalka aan laga aqbalayn ciidan aan ka amar qaadan dowladda.” Saneey ayaa lagu amray inuu hubka wareejiyo, balse si cad ayuu u diiday, isagoo u arkaya in la wiiqayo awooddiisa kahor 15-ka May. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markaas bixiyay amar ah in Saneey dib loogu celiyo furimaha dagaalka, balse isna wuu gacan-seyray.

Madaxtooyada soomaaliya ayaa dirtay odayaal dhaqameed si ay Saneey ugu qanciyaan inuu u hoggaansamo amarka dowladda, balse dadaalkaas wuu fashilmay. Odayaasha ayaa sheegay in Saneey uu si adag u diiday wax walba, isagoo ku adkaystay inuu ku dhiman doono Gubadley intii uu hubka wareejin lahaa.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa soo saaray digniin culus, isagoo sheegay in si awood leh loo soo qaban doono Saneey haddii xal nabadeed la waayo. Xaaladda ayaa sii kululeysay, iyadoo ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor iyo cutubyo gaar ah (Special Forces), oo wata gaadiidka gaashaaman, la duldhigay fariisimaha Saneey ee Gubadley.

Wararka ayaa tilmaamaya in Saneey iyo saraakiishiisa ay galeen dhaar adag oo ah “Dhimasho ama Difaaca Hubka,” taas oo Muqdisho ka dhigaysa meel aad u nugul, oo laga cabsi qabo isku dhac toos ah oo dhex mara ciidamadii qaranka ee horey hal dhinac u ahaa.

Xaaladdu waa mid aad u kacsan oo xasaasi ah, wax walbana waa suuragal daqiiqad kasta. Arrinta ugu yaabka badan ayaa ah in sargaalkii ka soo baxay furinta Aadan Yabaal uu maanta noqday mid laga dareemayo cabsi siyaasadeed oo gaartay heer Madaxtooyo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News