Maraykanka oo sheegay inuu duqeyn ka dhan ah Daacish ka fuliyay Calmiskaad

|

MUQDISHO (Kaab TV) -Maraykanka ayaa sheegay inuu duqayn cusub oo cirka ah ay ka fuliyay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ee Puntland, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray howlgalka AFRICOM.

Taliska Africom ayaa sheegay in duqayntu ay beegsatay garabka ISIS ee ka dagaallama Puntlnd, gaar ahaan deegaan qiyaastii 46 mayl u jira koonfur-bari magaalada xeebta leh ee Boosaaso.

AFRICOM ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan weerarka, iyadoo joojisay tan iyo sanadkii hore inay shaaciso tirada dhimashada ama qiimeynta waxyeellada rayidka.

Duqayntan ayaa noqonaysa weerarkii 62-aad ee Maraykanku ka fuliyo Soomaaliya sanadkan, taasoo muujinaysa in maamulka Trump uu ku sii jeedo jabinta rikoodhkii sanadkii hore oo ah 124 duqayn.

Kororka weyn ee duqaymaha Maraykanka ayaa yimid kadib markii Trump uu dabciyay xeerarka hawlgallada milatari, isagoo meesha ka saaray xayiraado hore u saarnaa duqaymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo weerarrada ka baxsan goobaha loo aqoonsan yahay goobaha dagaalka.

Sida ay sheegtay hay’adda New America, Maraykanku wuxuu 2025 ka fuliyay Soomaaliya duqaymo ka badan kuwii la sameeyay xilliyadii maamulada Joe Biden, Barack Obama iyo George W. Bush oo la isku daray.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News