DEG DEG: Dagaal hub culus la isku adeegsanayo oo ka socda xaafadda Warlaliska ee Degmada Dayniile

|

MUQDISHO (Kaab TV) -Ciidamo u xilsaarin dhul-boobka, oo boob iyo barakacin ka bilaabay dhulal ay degganyihiin dad shacab ah oo ku yaal xaafadda Warlaliska ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, ayaa iska caabin adag kala kulmay dadka deegaanka caawa.

Dalkaas oo dhacay goor dhow, ayaa si gaar ah u dhexmaray dadka deegaanka iyo Ciidamada dowlda soomaaliya dhul boon u socday, kuwaas oo uu watay sarkaal ka tirsan Booliiska, dagaalka ayaana yimid markii ay maleeshiyadu jirdil u gaysteen dad shacab ah.

Ciidamada Dowlada ayaa maalmihii u dambeeyay sare u qaaday dhul-boobka ay ka wadaan magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, iska hor’imaadka ka dhacay Dayniile ayaa qayb ka ah diidmada ay dadka shacabka ah ka muujinayaan burburinta dhulalka ay deggan yihiin.

Xaalada ayaa Hada kacsan waxaana jira cabsi xoogaan oo soo wajahday dadka ku nool xaafadda Warlaliska ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho oo hada ay ka socoto rasaas xoogan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News