Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Madaafiic maanta mar kale lagu garaacay Laascaanood iyo wararkii ugu dambeeyay

|

Laascaanood (Kaab TV) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta maadaafiic xoogan lagu garaacay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Weerarkan ayaa yimid, kadib markii ciidamada Somaliland ay madaafiic ku qaraaceen aagga ay ku sugnaayeen ciidanka SSC oo ku yaalla duleedka magaaladaasi, waxaana kadib jawaab ka bixiyay ciidank deegaanka ee SSC.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo lagu magacaabo Cabdiqani ayaa ka warbixiyay hoobiyeyaasha lagu garaacay Laascaanood iyo xaaladda guud ee magaaladaasi.

“Dhowr meelood inuu ku dhacay ayaa wararka igu soo gaarayaan, jugtana waa maqlayay, waana xaafadaha dhaca bariga Laascaanood,” ayuu wareysiga laga qaaday ku yiri Cabdiqani

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, sida ay soo sheegayaan qaar kamid ah dadka deegaanka, oo ay saameyn ku yeelatay. madaafiicda maanta lagu garaacay halkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo gobolka Sool ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada labada dhinac ay haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan aagga xerada Goojacadde, halkaas oo ay isku horfadhiyaan labada dhinac.

Horay waxaa u fashilmay dadaallada la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda, waxaana labada dhinac ay ka dhaga fureysteen dhamaan baaqyada nabadda ee loo dirayo.

Xaaladda ayaa haatan u muuqata mid faraha kasii baxeysa, lamana oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta Laascaanood.

Hasayeeshee, waxaa magaalada Laascaanood dhowr bilood oo xiriir ah ka socda dagaallo qaraar oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo dhaawac ka badan kun qof oo u badan dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News