SO | EN

SO | EN

Xiisad la xiriirta doorashooyinka Puntland oo ka taagan gobolka Mudug

|

Garoowe (Kaab TV) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ciidamo ka Tirsan mucaaradka Puntland ay Fariisimo ka sameystay togga Wadada  laamiga ah ee u dhexeysa Laacdheer , Gaalkacyo iyo sidoo kale dhoodida Bixin ee laamiga waqooyi.

Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay wataan Gaadidka dagaal kuwaas oo ka soo horjeeda in la qabto doorashada Golayasha degaanka ee puntland.

Sidoo kale, ciidamada Maamulka Puntland  ee loo diyaariyay in ay qaadaan sanaadiiqda cod-bixinta ee degmooyinka Mudug iyo Nugaal ayaa ku sugan Garoowe welina lama qaadin sanaadiiqda.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ee diiddan sida la sheegay doorashooyinka qof iyo cod ayaa sida la sheegayo dalbanaya in marka hore Madaxweyne Deni uu caddeeyo mowqifkiisa doorashada madaxtooyada Puntland ee 2024.

Xaaladda siyaasadeed ee Puntland ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana la’isku hayaa arrinta doorashada, ayada oo ay sii dheer tahay khilaafka kala dhexeeya dowladda dhexe.

Hasayeeshee, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana la filayaa in doorashada ay billaabatio 25-ka bishan May, walow ay ka biyo diidan yihiin xubnaha mucaaradka Puntland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News