Uganda (Kaab TV) –Ciidamada Difaaca Shacabka Uganda ee ka tirsan Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), ayaa lagu boorriyay in ay ilaaliyaan isla markaana sii xoojiyaan guulaha dhinaca amniga ee laga gaaray waaxda Baraawe.
Dardaarankan waxaa bixiyay Taliyaha Battle Group 45, Korneyl Justus Musenene, xilli uu booqasho ku tegay fariisimaha ciidamada ee Seaport iyo Baraawe Knoll Forward Operating Bases (FOBs), halkaas oo uu ku qiimeeyay xaaladda ciidamada, daryeelkooda iyo heerka diyaar-garoowgooda hawlgallada.
Korneyl Musenene ayaa ku ammaanay ciidamada dadaalka iyo naf-hurnimada ay u muujiyeen ilaalinta nabadda iyo xasilloonida deegaanka, isagoo ku dhiirrigeliyay inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan inta ay gudanayaan waajibaadkooda.
“Ku sii adeegga ruuxda Midnimada Afrika (Pan-Africanism) iyo iskaashiga shacabka qaaradda,” ayuu yiri.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay anshaxa, xirfadda ciidanimo iyo walaaltinimada ka dhexeysa askarta, isagoo sheegay inay yihiin tiirarka lagu ilaalin karo waxtarka hawlgallada iyo guusha howlgalka.
Dhankiisa, Taliyaha Guutada 145-aad ee Lugta, Gaashaanle Dhexe Geoffrey Ochan, ayaa ciidamada ku boorriyay inay si buuxda u ilaaliyaan habraacyada hawlgalka ee AUSSOM (Standing Operating Procedures), isla markaana ay dhawraan sumcadda iyo qiyamka Ciidamada UPDF marka ay gudanayaan waajibaadkooda.
Booqashada Korneyl Musenene waxaa ku wehlinayay Taliyaha Fariisinka Seaport, Major Samuel Eduku; Taliyaha Fariisinka Baraawe Knoll, Major George Obol; Sarkaalka Hawlgallada Battle Group 45, Major David Okema; Sarkaalka Warfaafinta Militariga, Major David Akandwanaho; Sarkaalka Maamulka, Major RT Mugabe; Sarkaalka Wacyigelinta Siyaasadda, Major Emuron, iyo saraakiil kale oo sare iyo kuwo hoose.

