SO | EN

Yuu codka ugu shubi doonaa musharaxa saddexaad ee ka haray doorashadii Turkiga?

|

Ankara (Kaab TV) – Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan iyo Murashaxa Madaxweyne ee Isbaheysiga Qaranka, Kemal Kılıcdaroglu, ayaa qaaday tallaabo ay ku kasbanayaan taageerada codbixiyayaasha Isbaheysiga ATA, iyo murashax Sinan Ogan, kaasoo hab dhaqankiisa uu fure u yahay wareegii labaad ee doorashada madaxtinimada.

Iyadoo Kılıcdaroglu uu la kulmay Guddoomiyaha Xisbiga Guusha, Umit Ozdag, ayuu Madaxweyne Erdogan sameeyay arrin lama filaan ah, saacado yar kadib kulankaan, iyadoo Xafiiskiisa Dolmabahce uu kula kulmay Ogan.

Kulankan, oo ku dhacay codsiga Erdogan, ayaa wuxuu ku bilawday nidaam cusub oo qiimeyn ah, oo la xiriira Isbahaysiga ATA iyo siyaasi Ogan.

Isagoo la hadlayay BBC-da qeybta ku hadasha afka Turkiga, guddoomiye ku xigeenka xisbiga Zafer, Ugur Batur ayaa yiri, “Fikradayda shaqsiga ah ayaa ah in tani aysan noqon doonin hanaan aan ku go’aansan karno laba maalmood gudahood, oo aanu oran karno waan taageer sanahay arrintan.”

Iyadoo Turkiga uu dhamaaday wareegii koowaad ee doorashada Baarlamaanka 28-aad iyo tan Madaxweynaha, oo lagu tilmaamay “doorashadii ugu xasaasisaneyd”, ayaa indhuhu waxay u weecdeen oo loo rogay wareegga labaad ee dhacaysa Bishan 28-ka bisha ee May.

Kılıcaroglu iyo xisbiyada qeybta ka ah Isbaheysiga Nation, oo soo gaba gabeeyay doorashada wareegii koowaad, ayaa helay qiyaastii 4.5 dhibcood, iyadoo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, uu la xiriiray Sinan Oğan, oo noqdayy furaha wareegga labaad ee doorashada, iyo Umit Ozdag, Guddoomiyaha Xisbiga Guusha.

Isbahaysiga Dadka, ayaan ilaa hadda la soo xiriirin Ogan, halka guddoomiye ku xigeenka xisbiga AKP, Binali Yıldırım, intuu wacay oo uu la xiriiray, uguna hambalyeeyay habeenkii doorashada.

Erayada qallafsan ee madaxda xisbiga MHP, gaar ahaan guddoomiye Devlet Bahceli, ee ku wajahan Ogan, iyo sidoo kale, Erdogan, oo uu uga hadlay wareysi uu siiyay Tv-ga CNN-ka, ayaa waxa uu ka yiri Ogan, “Uma hoggaansami doono rabitaankiisa. Anigu ma ihi qof jecel in uu sidaan u gorgortamo” ayaa waxay keentay hadalladaasi inay albaabada u xiraan wada xaajood ay la yeeshaan xulafada ATA.

Kemal Kılıcdaroglu, oo ah hoggaamiyaha xisbiga CHP, ayaa la kulmay Guddoomiyaha xisbiga Guusha, Umit Ozdag duhurnimadii maanta, iyadoo kulankooddu uu ku saabsanaa wareegga labaad ee doorashada; Hal saac oo uu kulankaan socday, ayaa waxaa uu u dhacay si gaar ah. Özdağ ayaa wuxuu la kulmay Sinan Ogan subaxnimadii, intii aanu dhicin kulankaan, wuxuuna qiimeeyay habka ay ku wajihi doonaan doorashada.

Sida laga soo xigtay xogta la helay, Ozdag, ayaa wuxuu waydiiyay su’aalo ku saabsan siyaasadda socdaalka Suuriya, afarta qodob ee ugu horreeya ee dastuurka, xisbiga HDP, qeexida dhalashada Turkiga ee qodobka 66aad ee dastuurka, iyo hab dhaqanka Isbahaysiga Qaranka ee ku saabsan siyaasadda lagu wajahayo musiibadii dabiiciga ahayd, gaar ahaan magaalada Istanbul oo ay ugu wacan tahay dhulgariirkii dhawaan dhacay.

Isagoo soo jiidanaya dareenka iyo wararka la xiriira dhaqaale xumida jirta ee doorashada ka dib, Ozdag wuxuu yiri, “Haddii lagu doorto, waxaad la wareegi doontaa dhibaato burbur,” wuxuuna waydiiyay siyaabaha maangalka ah ee lagu xalin karo dhibaatooyinka jira.

Ozdag ayaa waxaa la weeydiiyay macluumaadka ku saabsan xiriirka uu la leeyahay xisbiga HDP, doorashada ka dib iyo inay noqon doonto mid uu go’aan ku yeelan doono maamulka dalka.

Isagoo xasuusinaya in Isbahaysiga Qaranku iney ku bahoobeen 6 xisbi, Kılıçdaroğlu, ayaa wuxuu sheegay inaysan wax heshiis ah kula jirin xisbigan.

Isagoo sheegay in “xitaa aan la soo jeedin karin in la beddelo qodobbada ku yaalla bilawga Dastuurka”, Kılıçdaroğlu, ayaa sheegay inaysan jirin wax go’aana oo lagu doonayo in lagu beddelo qeexida dhalashada, ee soo jeedinta wax ka beddelka dastuurka.

Hogaamiyaha CHP, ayaa fariinta gudbiyey ku sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada si go’aana, Isagoo xusay inay wadaagaan aragtiyo isku mid ah oo ku saabsan siyaasadda socdaalka.

Kılıcdaroglu ayaa u sheegay Ozdag soo jeedintiisa ku saabsan dastuurka, iyo tallaabooyinka ka dhanka ah dhibaatada dhaqaale, isagoo tusaale u soo qaatay “Qoraalka Wadajirka ah” ee Isbahaysiga Qaranku uu horay ugu gudbiyey dadweynaha.

Sida xogta aan kaga helayno labada dhinacba, Isbahaysiga ATA ma codsanin inay qabtaan jago ama hoggaan midna. Waxaa la qiimeeyay in qiimeyn iyo “gorgor” noocaas ah ay dibu dhac ku keeni doonaan, oo ay dhalin karto fal-celin xun oo ka timaada cod-bixiyayaasha, iyadoo aan loo eegin markaasi dhinaca la taageerayo. Waxaa la ogaaday in Özdağ uu si cad u sheegay inuusan wax qorshe uusan ka lahayn arrintan.

Kulanka ka dib, Kılıcdaroglu, ayaa sheegay inuu dhacay shir “qurux badan oo wax ku ool ah”. Kılıcdaroglu ayaa sheegay inay muujiyeen fikirkooda ku saabsan is-afgaradka wadajirka ah, iyo wax ka beddelka dastuurka, waxayna muujiyeen aragtida ah “Turkigu inuu u baahan yahay hanaan fur furin oo dimoqraadiyadeed, wadajir iyo xalinta dhibaatooyinka jira”.

Ozdag wuxuu yiri, “Waxaan jiray su’aalo aan qabnay, waanu waydiinay, waxaan helnay jawaabo faahfaahsan, waxaana ku samayn doona qiimeyn guddigayaga loo igmaday.”

Isagoo sheegay inay qiimeyn ku sameyn doonaan kulanka ka dib xisbiyada kale ee Isbaheysiga ATA, iyo musharaxa madaxweyne Sinan Ogan, Ozdag wuxuu yiri, “Waxaan fikradayada la wadaagi doonaa dadweynaha Turkiga muddo gaaban gudahood.”

Ka dib markii uu la kulmay Kılıcdaroglu, Ozdag, ayaa wuxuu isugu yeeray Golaha sare ee xisbigiisa. Sida xogta aan kuhelayno, shirkan ayaa intii uu socday waxa codsi ku saabsan kulan loo diray Sinan Ogan, kaasoo ku wajahan Madaxtooyada Turkiga.

Ogan ayaa lasoo xiriiray Ozdag, isagoo ku war galiyey inuu aqbali doono codsigan iyo in kale. Ozdag ayaa wuxuu ugu war celiey Ogan inuu kulan haddii loo soo jeediyo uu aqbali doono. Kulanka Erdogan iyo Ogan, ayaa qaatay ku dhawaad saacad, iyadoo aan wax war ah laga soo saarin.

Si kastaba ha ahaatee, looma saadaalin karo in Ozdag iyo Ogan inay qaadan doonaan go’aan sida “inay si toos ah u taageerayaan Kılıçdaroğlu” sababo la xiriira “inay noqon doonto iney ku xadgudbayaan rabitaanka codbixiyayaasha”.

Taa beddelkeeda, waxaa la sheegay in la xoojin karo in siyaasaduhu ay iswaafaqayaan. Intaa waxaa dheer, dhaleeceynta adag ee ka imanaysa Bahceli ee ku wajahan Ogan, iyadoo wararka soo baxaya ay sheegayaan “inay u egtahay in Bahçeli iyo hoggaamiyeyaasha MHP ay ku riixayaan Isbahaysiga Qaranka”.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News