Puntland vs PSF: Maxay salka ku haysaa xiisadda Boosaaso?

|

Xiisad cusub oo dhanka amniga ah ayaa ka taagan magaalada Boosaaso iyo deegaanada ku dhow, kaddib markii ciidamada Puntland ay Talaadada maanta [21 July 2026] hawlgal ka sameeyeen deegaanka Laag, oo qiyaastii 30 kiiloomitir koonfur kaga beegan Boosaaso, kuna yaalla waddada isku xirta Boosaaso iyo Garowe.

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen inta badan askartii ka tirsanaa ciidanka gaarka ah ee PSF oo aroornimadii hore ee Isniinta isku dayay inay ka dhaqaaqaan Boosaaso iyaga oo ku jeeday dhanka degmada Xaafuun ee xeebta gobolka Bari.

Puntland waxay sheegtay inay la wareegtay 8 baabuur dagaal oo ay lahaayeen ciidamada PSF.

Dhacdadan ayaa dib u soo cusbooneysiisay khilaaf muddo dheer soo jiitamayay oo u dhexeeyay dowladda Puntland iyo PSF, kaas oo ku salaysan arrimo la xiriira cidda maamusha ciidamada gaarka ah, awoodda amniga, iyo loollanka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Maxay yihiin PSF?

Puntland Security Force (PSF) waa ciidan gaar ah oo si heer sare ah loo tababaray, kaas oo la aas aasay sannadkii 2002.

PSF-tu waxaa markii hore taageero ka siin jiray hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA, oo siin jirtay tababar, qalab iyo dhaqaale, waxaana loo adeegsan jiray hawlgallada ka dhanka ah kooxaha looga shakisan yahay argagixisada ee ka howlgala buuraha iyo deegaanada Puntland.

Waxay caan ku ahaayeen qab-qabashada shakhsiyaadka looga shakiyo inay xiriir la leeyihiin kooxaha xagjirka.

Ciidanka PSF.
Ciidanka PSF.

Xarunta PSF waxay ku taallaa magaalada Boosaaso, wuxuuna ciidankoodu inta badan ka koobnaa xubno ka soo jeeda beesha Cismaan Maxamuud (Majeerteen).

Sannadkii 2010, PSF ayaa u kala jabtay laba garab. Mid ka mid ah wuxuu noqday ciidan loo yaqaan PIA, halka garabkii kale uu sii watay magaca PSF.

Inkasta oo PSF markii hore ka shaqeynaysay amniga Puntland, haddana muddo kadib waxay noqotay ciidan aan si buuxda uga amar qaadan dowladda Puntland, iyadoo hoostagaysay sarkaal la dhashay General Asad Cismaan Cabdullaahi (Asad Diyaano), oo hadda ah taliyaha booliska dowladda federaalka Soomaaliya.

Diyaano ayaa markii hore ahaa taliyaha PSF kahor inta uusan ku wareejin walaalkiis Maxamuud Cismaan Diyaano.

Khilaafkii hore ee Puntland iyo PSF

Khilaafka ugu weyn wuxuu qarxay sannadkii 2019, kaddib markii Asad Diyaano uu ku guuldareystay doorashadii madaxtinimada Puntland, taas oo uu ku guuleystay Siciid Cabdullaahi Deni.

Kadib doorashada, Madaxweyne Deni wuxuu xilka ka qaaday taliyihii PSF Maxamuud Cismaan Diyaano.

Generaal Diyaano ayaa diiday inuu xilka ka dego. Arrintaas waxay sababtay dagaallo culus oo magaalada Boosaaso ku dhex maray bishii December 2021 garabka PIA ee hoostagayay dowladda Puntland iyo PSF-ta General Diyaano.

Dowladda Puntland ayaa markii dambe ku dhawaaqday in la kala diray PSF, waxayna sameysay ciidan cusub oo loo bixiyay PISA, kaas oo hoos yimaada maamulka Puntland.

Doorka dowladda federaalka iyo xiisadda cusub

Markii uu sii xoogaystay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Puntland iyo dowladda federaalka, General Asad Diyaano ayaa u baqoolay Muqdisho, waxaana loo magacaabay taliyaha booliska Soomaaliya, isagoo xiriir siyaasadeed la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

General Jimcaale Takar iyo General Asad Diyaano.
General Jimcaale Takar iyo General Asad Diyaano.

Bishii Oktoobar 2024, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay PSF ku dartay ciidamada dowladda federaalka, iyadoo loo aqoonsaday ururka 17-aad ee ciidamada federaalka, isla markaana la sheegay in askartaasi ay heli doonaan mushahar iyo taageero dowladeed.

Dowladda federaalka ayaa sidoo kale sheegtay inay dhiseyso talis ciidan oo ay ka qortay gudaha Puntland, taas oo dhalisay walaac iyo xiisado ka dhacay magaalooyinka Garowe, Boosaaso, Galdogob iyo Gaalkacyo.

Arrintan waxay sidoo kale ka mid ahayd sababihii sababay iska horimaadyo hubeysan Garowe bartamihii 2023, xilligaas oo Puntland ay ku dhawaaqday doorashooyinka goleyaasha deegaanka, taas oo dowladda federaalka si weyn uga soo horjeesatay.

Xiisaddii Garowe iyo General Takar

Toddobaadyadii lasoo dhaafay waxaa sidoo kale xiisad ka jirtay magaalada Garowe iyo iska horimaad kooban, kaddib markii uu halkaas yimid General Jimcaale Jaamac Takar, oo ka soo jeeda beesha Ciise Maxamuud (Majeerteen).

General Takar waxaa dowladda federaalka u magacawday taliyaha guutada 54-aad ee ciidanka federaalka ee la sheegay inay ku sugan yihiin Puntland. Wuxuu Muqdisho kasoo duulay, isagoo kasoo degay Laascaanood, kadibna dhulka ku yimid Garowe.

Puntland ayaa tan iyo dhammaadkii bishii May 2026 ciidamo badan geysay duleedka Garowe, taasoo sare u qaaday walaaca laga qabo iska horimaad kale.

Xiisadda Garowe ayaa yara degtay kadib markii odayaal dhaqameed ay dhex galeen, waxaana la sheegay inuu dhacay is-afgarad hordhac ah, sida uu baahiyay Kaab TV.

Dhaqdhaqaaqyada PSF iyo dagaalka Boosaaso

Ka hor xiisadda cusub ee Boosaaso, ciidamada PSF ayaa dhaqdhaqaaqyo ka waday deegaanada Boosaaso iyo Xaafuun ee xeebaha gobolka Bari, taasoo dowladda Puntland si weyn uga digtay.

Isniintii 20-ka July, ciidamada Puntland ee laga keenay buuraha Calmiskaad ayaa la geeyay waddada isku xirta Boosaaso iyo Garowe.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamadan loo diray halkaas kaddib markii Puntland ay ogaatay in cutubyo ka tirsan PSF ay kasoo baxeen Boosaaso una dhaqaaqeen dhanka Xaafuun.

Puntland waxay sheegtay inay fulineyso amar uu bixiyay Madaxweyne Deni oo mamnuucaya in hub culus lagu dhex wato magaalooyinka iyo deegaanada maamulka.

Puntland oo ku eedeysay dowladda federaalka

War kasoo baxay barta howlgalka la dagaallanka argagixisada ee Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada Puntland ay la dagaallameen “ciidan uu maalgelinayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud” oo lagu eedeeyay inuu qalqal amni ka waday gobolka Bari.

Garaawi laga qabtay PSF.
Garaawi laga qabtay PSF.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa toddobaad ka hor sheegay in aan la aqbali karin cid hub iyo xoog ku dhex joogta deegaanada Puntland, isagoo digniin u diray cid kasta oo isku dayda inay awood ciidan ku isticmaasho gudaha maamulka.

Ilaa hadda General Asad Diyaano kama uusan hadlin xiisadda cusub ee Boosaaso iyo dagaalka u dhexeeya Puntland iyo ciidamada PSF.

Sidoo kale dowladda federaalka Soomaaliya, inkasta oo ay horey u sheegtay in ciidamo ka tirsan dowladda ay ku sugan yihiin Boosaaso iyo deegaano kale oo Puntland ah, ayaan weli si rasmi ah uga hadlin iska horimaadkan.

Villa Soomaaliya ayaan sidoo kale wax war ah kasoo saarin dhacdooyinka cusub ee Boosaaso.

Xiisadda hadda ka taagan Boosaaso waxay u muuqataa inay tahay isku dhaf ka kooban khilaaf amni, loollan siyaasadeed oo u dhexeeya Puntland iyo dowladda federaalka, iyo muran ku saabsan cidda xaqa u leh inay maamusho ciidamada hubeysan ee ka howlgala deegaanada Puntland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News