Wararkii ugu dambeeyay: Dab khasaare geystay oo ka kacay Suuqa Bakaaraha

|

Dab khasaare geystay ayaa maanta ka kacay qaybta Cabdalla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ganacsato ku sugan suuqa ayaa sheegaya in dabku uu saameeyay goobo ganacsi, iyadoo weli aan si rasmi ah loo xaqiijin baaxadda khasaaraha hantiyeed ama haddii ay jiraan dad ku waxyeelloobay.

Booyado dab damis ah iyo shacabka ayaa ku howllan daminta dabka iyo xakamaynta inuu ku fido qeybaha kale ee suuqa.

Mas’uuliyiinta ayaan weli soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan sababta dhalisay dabka ama qiimeynta khasaaraha.

Sababta rasmiga ah ee dabka wali lama shaacin.

Hase yeeshee, ilo kala duwan ayaa bixiyay warar is khilaafsan, iyadoo qaar ay sheegayaan inuu dabku ka dhashay koronto, halka ilo kale ay tilmaamayaan inuu ka billowday gaaska cuntada lagu karsado.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in lagu guuleystay in si degdeg ah loo xakameeyo loona damiyo dabka ka kacay qaybta Cabdalla Shiddeeye ee Suuqa Bakaaraha.

Maamulka ayaa xusay in hawlgalka daminta dabka ay si naf-hurnimo leh u fuliyeen shaqaalaha Waaxda Gurmadka Degdegga ah ee Dowladda Hoose ee Xamar, iyagoo kaashanaya shirkado gaar loo leeyahay.

Weli lama shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabka.

Dabkan ayaa saameeyay qayb ka mid ah Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn Soomaaliya, kana mid ah xarumaha ganacsiga ugu muhiimsan dalka, iyadoo nolosha iyo ganacsiga kumannaan qoys ay ku tiirsan yihiin.

Gubashada suuqa Bakaaraha ayaa ah mid soo laa-laabata oo aan loo helin xal waara, iyadoo ciriiriga waddooyinka iyo qorshe xumada maamulka Muqdisho loo aaneynayo in wax laga qaban waayo dababka ay dadka ku hantida beelaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News