Guddiga Midowga Afrika ayaa qoraal degdeg ah u diray Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Addis Ababa, kaas oo Dowladda Federaalka loogu gudbiyay farriin diblomaasiyadeed oo adag oo ku saabsan qorsheynta mustaqbalka joogitaanka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Qoraalka ayaa lagu casuumay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ka qaybgasho wada-tashiyo istiraatiiji ah oo ka bilaabanaya Addis Ababa 22-ka iyo 23-ka Luulyo 2026, waxaana xigi doona kulan heer khubaro ah oo 24-ka Luulyo dhici doona. Natiijooyinka kulamadan ayaa saldhig u noqon doona shirarka Taliyeyaasha Ciidamada, Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Shir-madaxeedka aan caadiga ahayn ee waddamada ciidamada ku leh AUSSOM, kuwaas oo 29-ka illaa 31-ka Luulyo ka dhici doona magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Guddiga Midowga Afrika ayaa Dowladda Federaalka si cad ugu adkeeyay inay sida ugu dhaqsaha badan u soo magacawdo ergada uga qaybgalaysa kulamada Addis Ababa iyo Kampala, si loo dhammaystiro diyaar-garowga dhinacyada maamulka, hab-maamuuska iyo amniga.
Sidoo kale, qoraalka ayaa si cad waxaa lagu sheegay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadi doonto dhammaan kharashaadka la xiriira ka-qaybgalka wakiilladeeda kulamadaasi.
Kulamada wada-tashiga ayaa diiradda lagu saari doonaa xulashooyinka istiraatiijiga ah ee mustaqbalka joogitaanka Midowga Afrika ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan arrimaha hawlgalka, siyaasadda, maaliyadda, sharciga, qaab-dhismeedka ciidamada, taageerada howlgalka iyo qorshaha kala-guurka, iyadoo talooyinka kasoo baxa loo gudbin doono hay’adaha siyaasadda ee Midowga Afrika si ay go’aan uga gaaraan.


