Shan Xildhibaan Oo Casilay iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya oo codsi gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada

|

Shan xildhibaan oo ka tirsanaa Golaha Wakiillada maamulka Waqooyi Bari ayaa ku dhawaaqay inay si rasmi ah isaga casileen xubinnimadoodii, iyagoo sheegay inay ku qanci waayeen jihada uu maamulka u wajahayo iyo sida loo hirgeliyey himiladii loo aas-aasay.

Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen xildhibaannadan ayaa lagu sheegay inay muddo sannad ah qiimeyn ku hayeen xaaladda maamulka, kaddib markii ay arkeen habka loo dhisay dowladda iyo in wixii ay rajeynayeen aan laga hirgelin magaalada Laascaanood.

Waxay sheegeen inay isku dayeen inay saxaan waxa ay u arkeen khaladaad jira, balse talooyinkooda aan la dhegaysan, taasoo ugu dambeyn ku qasabtay inay iska casilaan Golaha Wakiillada.

Xildhibaannadu waxay sidoo kale xuseen inay maalmaha soo socda faahfaahin dheeraad ah ka bixin doonaan jihada siyaasadeed ee ay qaadi doonaan iyo sida ay u arkaan danaha shacabka.

Xildhibaannada iscasilay ayaa kala ah:
1.Makhtal Said Mohomoud
2.Ahmed Caabi Xasan
3.Abdisalaan Abdulaahi Mohamed
4.Sadik Jama Muse
5.Ahmed Ali Mohamed
Dhina kale:Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada codsi lagu dalbanayo in xasaanadda iyo xubinnimada Golaha laga qaado shantaas xildhibaan, si loogu soo oogo dacwado sharci ah loona horkeeno maxkamadda awoodda u leh.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maamulka Waqooyi Bari Cabdillaahi Xirsi Cilmi, ayaa ka codsaday barrlamaanka inay xasaanadda ka qaadaan xubnaha kala ah,
1.Makhtal Said Mohomoud
2.Ahmed Caabi Xasan
3.Abdisalaan Abdulaahi Mohamed
4.Sadik Jama Muse
5.Ahmed Ali Mohamed

DHEERAAD:  Taliyeyaasha booliska gobolka BANAADIR oo isbeddal lagu sameeyay

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha ayaa ku dooday in codsigan uu ku saleysan yahay qodobbada 50-aad iyo 51-aad ee Dastuurka Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya, iyo sidoo kale qodobbada 184, 218 iyo 221 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, kuwaas oo sida lagu sheegay warqadda siinaya hay’adaha garsoorka awood sharciyeed oo ay ku dalban karaan qaadista xasaanadda marka ay jiraan eedeymo u baahan baaritaan iyo dacwad.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News