Mareykanka iyo Somaliland oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga amniga ee Badda Cas iyo Geeska Afrika

|

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta kulan istaraatiiji ah la yeeshay Major General Claude K. Tudor Jr. iyo wafdi ballaaran oo ka socda Mareykanka oo booqasho ku maraya Geeska Afrika.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo danaha istaraatiijiga ah ee ay wadaagaan Somaliland iyo Mareykanka, gaar ahaan amniga Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo xasilloonida guud ee gobolka.

War ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay si qoto dheer uga wada hadleen muhiimadda ay leedahay ilaalinta marin-biyoodada istaraatiijiga ah ee gobolka, iyadoo Somaliland ay ku taallo meel muhiim u ah isku socodka ganacsiga caalamiga ah.

Somaliland waxay sheegtay inay leedahay in ka badan 850 kiiloomitir oo xeeb ah oo ku teedsan Gacanka Cadmeed, taas oo ka dhigaysa meel muhiim ah oo istaraatiiji ah marka la eego amniga Badda Cas iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab.

Madaxweyne Cirro ayaa kulanka ku adkeeyay in Somaliland aan laga indho tiri karin arrimaha amniga gobolka, isagoo sheegay in cid kasta oo danaynaysa iskaashiga amni ee xeebaha Somaliland ay tahay inay si toos ah ula shaqeyso Somaliland.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa sheegay in “Somaliland ay diyaar u tahay iskaashi dhow oo joogto ah oo ay la yeelato ciidamada iyo hay’adaha amniga Mareykanka, si loo xoojiyo dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada, budhcad-badeedda, dambiyada abaabulan iyo khataraha kale ee saameeya amniga gobolka.”

DHEERAAD:  Saciid Deni oo weerar culus ugu jawaabay Xasan iyo Xamze
Mareykanka iyo Somaliland oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga amniga ee Badda Cas iyo Geeska Afrika
Mareykanka iyo Somaliland oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga amniga ee Badda Cas iyo Geeska Afrika.

Dhankiisa, Major General Claude K. Tudor Jr. ayaa sheegay in Mareykanka iyo Somaliland ay wadaagaan dano amni oo muhiim ah oo la xiriira berriga iyo baddaba.

Sida lagu sheegay warbixinta Somaliland, wuxuu xusay in xasilloonida Geeska Afrika iyo amniga marin-biyoodada caalamiga ah ay yihiin arrimo mudnaan gaar ah u leh labada dhinac.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Mareykanku diyaar u yahay inuu Somaliland kala shaqeeyo arrimaha istaraatiijiga ah ee labada dhinac dan ugu jira, oo ay ka mid yihiin wada-shaqeyn amni, xog-is-weydaarsi iyo is-dhaafsiga khibradaha.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday ballanqaad ah in labada dhinac ay sii xoojin doonaan wada-shaqaynta ku aaddan danaha amni ee ay wadaagaan.

Booqashada saraakiisha Mareykanka ayaa kusoo beegmaysa xilli muhiimadda istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika ay sii kordhayso, gaar ahaan kadib weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ka geysteen Gacanka Cadmeed iyo khalkhalka amni ee saameeyay maraakiibta ganacsiga ee isaga kala goosha Badda Cas.

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sannadihii u dambeeyay qiimeynayay doorka istaraatiijiga ah ee Berbera, halkaas oo ay Somaliland sheegtay inay diyaar u tahay in laga sameeyo iskaashi amni oo u adeegaya la socodka dhaqdhaqaaqyada badda iyo ka hortagga khataraha ka jira marin-biyoodka muhiimka ah ee Bab al-Mandab iyo Badda Cas.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News