Cabdiraxmaan: Dagaalkii ka qarxay Gaalkacyo waa digniin cad oo muujinaysa cawaaqibka ka dhalan kara jidkan halista ah

|

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka digay in dagaalka maanta ka qarxay koongurta Gaalkacyo uu dhalin karo cawaaqib daran oo dalka u horseedi kara jid halis ah.

Ugu yaraan 7 ruux ayaa ku dhaawacantay dagaal galabka abaare 4:00pm waqtiga gudaha [Talaado] ka qarxay koonfurta Gaalkacyo ka dib markii ay isku dheceen maleeshiyo beeleed kasoo jeeda koonfurta Gaalkacyo ee dhanka Galmudug iyo ciidan la sheegay inay yihiin booliska Galmudug oo hub iyo rasaas galbinaayay.

Dagaalkan ayaa qarxay ka dib markii maleeshiyaadka beesha Sacad ee Habargidir ay waddada u galeen labo gaari oo hub siday oo ay galbinayeen ciidanka booliska Galmudig.

Saanadda oo isugu jirta rasaasta noocyada kala duwan iyo dareyska ciidanka ayaa laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha ee ay maamusho Galmudug ee ku yaalla koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ee waqtigiisu dhammaaday, ahna mid ka mid ah hoggaamiyaasha mucaaradka, ayaa ka digay cawaaqibta ka dhalan kara colaaddan, isagoo ku eedeeyay madaxweynaha waqtigiisu dhammaday ee Xasan Sheekh Maxamuud.

“Xasan Sheekh, oo muddo-xileedkiisii dastuuriga ahaa dhammaaday, wuxuu Galmudug geliyay laba qalalaase oo halis ah: doorasho muran badan dhalisay oo sii fogeysay kala qaybsanaanta siyaasadeed iyo xasillooni darrada, iyo xiisado isa soo taraya oo halis u ah inay hurin karaan dagaal u dhexeeya Galmudug iyo Puntland,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

“Dagaalkii maanta ka qarxay koonfurta Gaalkacyo waa digniin cad oo muujinaysa cawaaqibka ka dhalan kara jidkan halista ah. Waxa uu khatar gelinayaa sannado badan oo dadaal lagu bixiyay nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo wada-noolaanshaha bulshooyinka walaalaha ah ee Gaalkacyo,” ayuu sii raaciyay.

DHEERAAD:  Amar Madaxwaynaha Uu Bixiyay aya Lagu Fasaxay inay Gabdhaha Dawadaan Ciyaarta Finalka

Sida wararku sheegayaan Saanaddan ciidan ee ka timid Muqdisho ayay iluhu sheegayaan in loo waday dhanka waqooyiga Gaalkacyo, oo ay Puntland ka taliso, halkaas oo beryahan ay ka taagneyd xiisad u dhexeysa ciidanka Puntland iyo kuwa taageersan Asad Diyaano ee loo yaqaano PSF, kuwaas oo horey u sheegay inay taageero ka helayaan Dowladda Federaalka.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo isagu kasoo jeeda Galmudug ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka, isimada, culimada, dhallinyarada, haweenka iyo guud ahaan bulshada Gaalkacyo inaysan ku dhicin dabinka hurinta colaadda iyo kala qaybsanaanta.

“Nabadda, wada-noolaanshaha iyo ilaalinta nafta dadka rayidka ah waa inay ka horreeyaan khilaaf kasta oo siyaasadeed. Haddii xaaladdu sii xumaato, dadka ugu badan ee dhibaatada iyo khasaaraha ka dhaxli doona waa shacabka Gaalkacyo laftooda, ee ma aha siyaasiyiinta Muqdisho jooga ee meel fog ka hurinaya xiisadahaas,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Dowladda Puntland ayaa cambaareysay fal ay ku sheegtay in Dowladda Federaalka ay hub iyo ciidan ku daabuleyso deegaanada Puntland.

War saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu bogaadiyay in ciidamada dhanka Galmudug ay ka hortageen hubka, oo ay Puntland sheegtay, in dhanka deegaanada Puntland loo waday.

Puntland waxay ugu baaqday shacabkeeda inay ka digtoonaadaan falalka colaad uu Xasan Sheekh Maxamuud ka hurinaayo Galmudug.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News