Dagaal ka dhacay Gaalkacyo Madaxtooyada Puntland oo war-saxaafadeed soo saartay

|

Wararka ka imanaya koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in labo qof ay ku dhaawacantay Dagaal galabta ka dhacay halkaas, kaas oo u dhexeeyay ciidamo ka tirsan Galmudug iyo ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii ay ciidamo ka tirsan maamulka Galmudug oo degan duleedka magaalada Gaalkacyo ay la wareegeen gaari hub siday oo la sheegay in uu socday ciidamada federaalka ee ku sugan magaalada Gaalkacyo Taas oo keentay uu dhaco Dagaakaas.
Dadka ku nool magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa soo wajahday cabsi xoogaan, madaamada ciidamada Dagaalamay ay wateen hub kala duwan.

Maamulka Galmudug ayaa weli ka hadlin iska Dagaalkaas ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo iyo hubka soo galay dhankooda halka uu u socday.

Dhanka kale Puntland ayaa markale ku eedeeysay dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud in ay hub ku soo daabulayso magaalada Gaalkacyo, kaas oo ay sheegtay in uu khatar ku yahay amniga gobolka Mudug.

Madaxtooyada Puntland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in dowladda federaalka ay deegaannadeeda ku soo daabulayso hub iyo ciidan, iyada oo xustay in hubkii maanta ka soo degay koonfurta magaalada Gaalkacyo loo waday dhankeeda.

Puntland waxay bogaadisay shacabka iyo maamulka Galmudug oo la wareegay qaar ka mid ah hubka maanta ka soo degay koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Puntland waxay Beesha Caalamka ogaysiisay in madaxweyne Xasan Sheekh uu colaad ka hurinayo gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo, wixii taas ka dhashana uu mas’uuliyaddeeda qaadayo, sida ay ku sheegtay war-saxaafadeedka.

DHEERAAD:  MUQDISHO : Ciidanka Dowladda oo lagu beegsaday Degmada Huriwaa.

Dowladda Puntland waxay ugu baaqday shacabkeeda in ay ka digtoonaadaan faragelin amni oo ay tilmaantay in ay deegaannadeeda ka wado dowladda federaalka Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News