Xaalad adag oo ka taagan Xaafadda Tookiyo, shacabka oo wajahaya barakac iyo cabsi

|

Xaalad adag ayaa weli ka taagan Xaafadda Tookiyo ee degmada Yaaqshiid, halkaas oo shacabka deegaanka ay ka cabanayaan barakac xoog ah, cabsi iyo burburin lagu hanjabay guryaha ay ku nool yihiin.

Muuqaallo laga helay Xaafadda Tookiyo ee degmada Yaaqshiid ayaa muujinaya ciidamo tiro badan oo lagu daadiyay xaafadda, iyadoo ciidamadu ay wataan gaadiid iyo hub culus, ayna fariisimo ka sameysteen waddooyinka iyo luuqyada xaafadda.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada ay guryaha qaar garaacayaan, dadka ku noolna lagu amrayo inay ka guuraan goobaha ay deggan yihiin.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in loo sheegay in haddii aysan ka guurin guryahooda, la burburin karo.

Hanjabaadaha noocan ah ayaa cabsi xooggan ku abuuray qoysaska ku nool xaafadda, gaar ahaan waayeelka, carruurta iyo qoysaska danyarta ah ee aan haysan awood ay si degdeg ah ugu raadsadaan hoy kale.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in adeegyada aasaasiga ah ee korontada iyo biyaha laga jaray qaybo ka mid ah xaafadda.

Arrintan ayaa sii adkaynaysa xaaladda qoysaska ku haray deegaanka, iyadoo biyaha iyo korontadu ay yihiin adeegyo muhiim u ah nolol maalmeedka shacabka.

Qoysaska nugul ayaa ugu baaqay dowladda iyo hay’adaha samafalka inay si degdeg ah uga jawaabaan xaaladda, gaar ahaan haddii barakacu sii socdo.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale eedeymo u jeediyay masuuliyiin iyo ganacsato ay ku sheegeen inay door ku leeyihiin muranka dhulka.Magacyada ay dadka deegaanka xuseen waxaa ka mid ah:Muxidiin Xasan Juris Saabeey,Ganacsade Ismaaciil Wardheere, Cabdullaahi Cade iyo Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid, Suleiman Maxamuud Fargax

DHEERAAD:  Dhageyso:-Cadaalad Darro ka jirto saldhiga degmada kaaraan ee muqdisho

Khilaafka ka taagan Xaafadda Tookiyo ayaa la xiriira muran dhuleed iyo qorsheyaal burburin iyo raritaan ah oo saameynaya dadka deegaanka.

Shacabka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah guryaha ay muddo dheer ku noolaayeen, ayna hadda wajahaan xaalad aan caddayn halka ay ku dambeyn doonto.

Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in khilaaf uu soo kala dhex galay qaar ka mid ah culimada iyo dhinacyada kale ee arrintan ku lugta leh, iyadoo ay jiraan sheegashooyin ku saabsan lacago la siiyay.

Xaaladda Tookiyo ayaa kusoo beegmaysa iyadoo warar kale ay sheegayaan in cabsi laga dareemayo xaafado kale oo ka tirsan Muqdisho, kuwaas oo ay ka mid yihiin Tarbuush ee degmada Wadajir iyo Buulo Axmed Cabdalla.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News