Buulo Eelaay oo Burburin Xoogan ka Socoto, Shacabka oo Guryahooda Laga Barakicinayo

|

Xaafadda Buulo Eelaay ee degmada Waaberi ayaa saaka wajahaysa xaalad adag, kaddib markii ciidamo badan iyo cagafyo waaweyn la geeyay deegaanka, halkaas oo lagu bilaabay burburinta qaar ka mid ah guryaha ay shacabka deggan yihiin.

Cagafyada ayaa gudaha xaafadda ka wada howlo burburin ah, iyadoo ciidamada laka kala dhigay waddooyinka iyo luuqyada . Tallaabadan ayaa saameyn xooggan ku yeelatay qoysas badan oo ku nool Buulo Eelaay.

Burburinta ayaa saameysay guryo ay muddo ku noolaayeen qoysas deegaanka ah. Qoysas badan ayaa bilaabay inay alaabtooda ka saaraan guryaha, iyagoo isku dayaya inay helaan meel kale oo ay degaan.

Warbixinno horay oo laga qoray xaaladda Buulo Eelaay ayaa sidoo kale sheegay in boqolaal qoys, gaar ahaan qoysaska danyarta ah, ay wajahaan barakac iyo hubanti-la’aan ku saabsan halka ay degi doonaan.

Ciidamo badan ayaa lagu arkayaa qeybo kala duwan oo ka mid ah xaafadda, xilli cagafyada ay sii wadaan shaqada burburinta.

Joogitaanka ciidamada iyo cagafyada ayaa dadka deegaanka ku abuuray cabsi, iyadoo qoysas qaar ay si degdeg ah uga guurayaan guryahooda.

Arrintan ayaa sidoo kale hore uga dhalisay cabashooyin iyo isku dhacyo u dhexeeyay shacabka iyo ciidamada, kaddib markii dadka deegaanka ay ka horyimaadeen burburinta guryahooda.

Qoysas badan ayaa hadda wajahaya xaalad adag oo ku saabsan halka ay u guurayaan. Qaar ayaa alaabtooda ku qaadanaya gaadiid yar yar iyo gaadiid kale oo ay heli karaan.

Qoysaska danyarta ah ayaa si gaar ah u wajahaya dhibaato, maadaama aysan awoodin inay si fudud u kiraystaan guryo kale ama ay bixiyaan kharashaadka guurista.

DHEERAAD:  Heshiiskii nabadda Galmudug oo burburay kadib arrin maanta dhacday

Buulo Eelaay waxay ka mid tahay xaafadaha Muqdisho ee ay ka jiraan murannada la xiriira dhulka iyo lahaanshaha guryaha, iyadoo xaaladda hadda ka taagan xaafaddu ay dib u soo cusbooneysiisay doodda ku saabsan sida loo wajahayo murannada dhulka iyo xuquuqda dadka deggan.

Ilaa hadda, sababta rasmiga ah ee keentay burburinta guryaha Buulo Eelaay iyo cidda bixisay amarka fulinta hawlgalkan si cad looma shaacin.

Sidoo kale, waxaa jira sheegashooyin kala duwan oo ku saabsan cidda ka dambeysa hawlgalka iyo ujeeddada dhulka, balse qaar ka mid ah sheegashooyinkaas ayaan helin xaqiijin madax-bannaan oo ku filan.

Carruur, haween iyo waayeel ku nool xaafadda ayaa ka mid ah dadka sida tooska ah u wajahaya saameynta ka dhalatay burburinta iyo barakaca.

Xaaladda Buulo Eelaay ayaa weli ah mid xasaasi ah, iyadoo ciidamada iyo cagafyada ay ku sugan yihiin xaafadda.

Maamulka ay khuseyso ayaa looga baahan yahay inuu shacabka siiyo faahfaahin cad oo ku saabsan qorshaha dhulka, habka loo fulinayo burburinta iyo haddii ay jiraan qorsheyaal lagu taageerayo ama lagu dejinayo qoysaska ay saameysay.

Buulo Eelaay ayaa sidaas ku wajahaysa xaalad adag oo ay isku biirsadeen burburinta guryaha, barakaca qoysaska iyo cabashada shacabka, iyadoo indhaha lagu hayo tallaabada xigta ee maamulka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News