Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa mar kale ka dhacay deegaanka Basro ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu billowday kaddib salaaddii Casir ee shalay , waxaana uu socday muddo ku dhow 20 daqiiqo. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in iska horimaadka uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in ugu yaraan shan qof oo ka kala tirsanaa dhinacyadii dagaalamay ay ku dhinteen dagaalka, inkastoo tiradaas aan si madax-bannaan loo xaqiijin.
Sida wararku tilmaamayaan, Ciidamada NISA ayaa markii hore weerar ku qaaday fariisin ay Al-Shabaab ku lahaayeen meel aan ka fogeyn fariisimaha ciidamada dowladda. Ciidamada ayaa markii dambe dib uga soo laabtay goobta, waxaana la sheegay in dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay isku dayeen inay weeraraan fariisimaha ciidamada dowladda.
Ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay iska caabiyeen weerarka, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal muddo kooban socday.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay in khasaare culus la gaarsiiyay Al-Shabaab, balse faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan tirada khasaaraha lama shaacin.
Dhanka kale, Ciidamada Haramcad ayaa sheegay in dagaal ka dhacay jiinka Webiga Shabeelle, gaar ahaan deegaanada Baldooska iyo Alifoow, lagu dilay Cabdinaasir Farey oo ay ku tilmaameen madax ka tirsan Al-Shabaab, iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.
Deegaanka Basro iyo nawaaxigiisa ayaa horay uga dhacay howlgallo ciidan oo ka dhan ah Al-Shabaab. Sannadkii 2022 ayay ciidamada dowladda sheegeen inay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose kala wareegeen Al-Shabaab.
Howlgalladaasi waxaa lagu dilay Taliyihii Ciidanka Haramcad, Jeneraal Farxaan Qaroole, iyo saraakiil kale oo la socotay.
Dagaalkan cusub ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda Soomaaliya ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan qaybo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha dalka.

