Garoonka Muqdisho oo maalintii labaad hakad ku jira

|

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa maalintii labaad wajahaya hakad ku yimid duulimaadyada, iyadoo rakaab badan lagu soo waramayo inay ku kala xayiran yihiin magaalada Muqdisho iyo Nairobi.

Xaaladdan ayaa timid kaddib markii diyaarado la filayay inay Muqdisho yimaadaan ay ku xayirmeen garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Nairobi, taas oo saameyn ku yeelatay duulimaadyadii gudaha iyo kuwii caalamiga ahaa ee ka bixi lahaa Muqdisho.

Sida ay sheegayaan xogaha la helayo, qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ayaa caadiyan diyaaradooda ku hoyn waayay Muqdisho, balse waxay subax kasta kasoo duulaan Nairobi si ay u fuliyaan duulimaadyada Muqdisho iyo meelaha kale ee dalka.

Haddii diyaaradahaasi ku xayirmaan Nairobi, waxaa si toos ah u saameynaya jadwalka duulimaadyada, waxaana hakad geli kara safarrada rakaabka ee gudaha iyo dibadda.

Dadka safarka ahaa ayaa wajahaya xaalad adag, iyadoo qaar Muqdisho ku sugan ay sugayaan diyaarado ay ku safraan, halka kuwo kale oo horey uga baxay Soomaaliya ay ku xayiran yihiin Nairobi.

Qaar ka mid ah rakaabka ayaa sheegay inay la kulmeen dib-u-dhac ku yimid qorshayaashoodii safarka, iyadoo aan weli si cad loo ogeyn muddada uu qaadan doono hakadka.

Dadka ku xayiran garoomada ayaa sidoo kale wajahaya kharashaad dheeraad ah oo la xiriira hoyga, cuntada iyo dib-u-dhaca safarrada.

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo badan oo ay rakaabka iyo eheladooduba iska weydiinayaan sababta keentay hakadka iyo cidda mas’uulka ka ah xalintiisa.

DHEERAAD:  Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo ku wajahan Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Waxaa muhiim ah in hay’adaha ay khuseyso iyo shirkadaha diyaaradaha ay si rasmi ah uga warbixiyaan xaaladda, si rakaabka loogu caddeeyo sababta duulimaadyadu u istaageen iyo waqtiga ay dib u bilaabanayaan.

Agaasimaha Socdaalka Soomaaliya oo la sheegay inuu ku xayiran yahay Nairobi dhankiisa,Xogaha la helayo ayaa sidoo kale sheegaya in dadka ku xayiran Nairobi uu kamid yahay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Xuseen Iidow.

Duulimaadyada u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya waxay muhiim u yihiin ganacsatada, bukaannada, ardayda, shaqaalaha, qoysaska iyo dadka u kala safra labada dal.

Hakadka muddo laba maalmood ah socda wuxuu sababi karaa in dad badan ay dib uga dhacaan ballamo, shaqooyin, waxbarasho iyo qorshayaal kale oo muhiim ah.

Ganacsatada ayaa sidoo kale wajihi kara khasaaro haddii badeecooyin ama dukumiintiyo la filayay in lagu kala qaado duulimaadyada ay dib u dhacaan.

Xaaladda taagan ayaa u baahan in si degdeg ah loo helo war rasmi ah oo ka soo baxa maamulka garoonka Aadan Cadde, hay’adaha duulista rayidka iyo shirkadaha diyaaradaha.

Rakaabka ayaa u baahan inay ogaadaan goorta duulimaadyadooda dib u bilaabanayaan, halka dadka Nairobi ku xayiranna ay u baahan yihiin macluumaad cad oo ku saabsan diyaaradaha ay ku laaban karaan Muqdisho.

Sababta rasmiga ah ee hakadka weli si cad looma shaacin, waxaana muhiim ah in hay’adaha ay khuseyso ay shacabka siiyaan war rasmi ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News