Mushaharka ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), gaar ahaan ciidamada gaarka ah, Qoryooleyda, Jagpointiyada iyo ciidamada ka howlgala gobollada, ayaa bishan dib u dhacay, iyadoo ciidanka qaarkood lacagtooda la siiyay xilli ka dambeeyay waqtigii ay caadi ahaan heli jireen.
Ciidamada ayaa muddo sugayay mushaharkooda, waxaana dib u dhaca uu saameyn ku yeeshay qaar ka mid ah ciidamada ku sugan goobaha howlgallada, gaar ahaan kuwa ku sugan furimaha dagaalka ee Basra.
Sida xogta la helayo, mushaharka ciidamada NISA wuxuu u kala baxaa waqtiyo kala duwan. Qaar ka mid ah ciidamada ayaa mushaharkooda heli jiray 25-ka bisha, halka qayb kale la siin jiray 2-da bisha xigta.
Hase yeeshee, bishan nidaamkaas ayaa dib u dhacay, iyadoo ciidamada qaarkood ay mushaharkooda heleen waqti dambe. Arrintan ayaa niyad-jab ku abuurtay qaar ka mid ah ciidamada, gaar ahaan kuwa ku sugan furimaha dagaalka iyo goobaha ay howlgalladu ka socdaan.
Dib u dhaca mushaharka ayaa ku soo beegmaya xilli la sheegay inuu jiro khilaaf dhinaca maamulka iyo maaliyadda ah oo ka dhex jira Hay’adda NISA. Xogta la helayo ayaa sidoo kale sheegaysa in qaar ka mid ah masuuliyiinta sare ee waaxda maaliyadda hay’adda ay xiran yihiin.
Waxaa jira walaac laga qabo in khilaafka maamulka iyo maaliyadda uu saameyn ku yeesho habsami u socodka shaqada iyo bixinta xuquuqda ciidamada.
Ciidamada NISA ayaa door muhiim ah ka qaata howlaha amniga dalka, waxaana qaar badan oo ka mid ah ay ku sugan yihiin goobaha dagaalka ee lagula dagaallamayo Al-Shabaab. Sidaas darteed, mushaharka oo waqtigiisa ku yimaada ayaa muhiim u ah joogteynta howlaha ciidamada iyo niyaddooda.
Ilaa hadda, xogta la helayo waxay muujinaysaa in mushaharka ciidamada qaar la bixiyay, balse uu jiray dib u dhac marka loo eego waqtigii caadiga ahaa ee lacagaha la siin jiray.
Arrintan ayaa sare u qaadaysa su’aalaha ku saabsan xaaladda maamulka iyo maaliyadda NISA iyo sababta keentay in mushaharka ciidamada uu bishan ka dib dhaco waqtigii loo bartay.

