Shabaab oo Maanta la wareegay deegaano ku dhow Carbiska

|

Warar laga helayo duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay saaka la wareegeen deegaano ku dhow deegaanka Carbiska, kadib markii ciidamada dowladda ay dib uga gurteen fariisimo ay halkaasi ku lahaayeen.

Sida wararka lagu helayo, ciidamada dowladda ayaa shalay isaga baxay tuulada Basra, oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen dagaallo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo dagaalyahannada Al-Shabaab.

Saaka ayaa la sheegay in ciidamadii dowladda ee ku sugnaa duleedka Basra iyo aagga Carbiska ee ku dhow waddada Afgooye ay dib ugu laabteen dhanka degmada Dayniile.

Gurashada ciidamada ayaa la sheegay inay fursad siisay Al-Shabaab inay si fudud ula wareegaan deegaano ku yaalla inta u dhexeysa Basra iyo Carbiska, iyadoo aan la soo sheegin dagaal weyn oo ka dhacay goobihii ciidamada ay ka baxeen.

Xaaladda deegaanka ayaa hadda ah mid aan si buuxda loo saadaalin karin, iyadoo dadka ku nool deegaanada ku dhow Basra iyo Carbiska ay walaac ka muujinayaan isbeddelka amni ee ka dhacay halkaasi.

Saraakiil dhinaca amniga ah ayaa sheegay in xaaladda ay tahay mid kacsan oo aan weli si buuxda loo xaqiijin halka ay ku dambeysay dhaq-dhaqaaqa ciidamada iyo Al-Shabaab.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo si faahfaahsan uga hadlay in Al-Shabaab ay si buuxda ula wareegeen dhammaan deegaanada u dhexeeya Basra iyo Carbiska.

Dib u gurashada ciidamada iyo dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa kusoo aadaya xilli deegaanada ku dhow Muqdisho ay muddooyinkii dambe ka jireen howlgallo militari iyo dagaallo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

DHEERAAD:  Cumar Cabdirashiid oo fariin udiray Baarlamaanka Soomaaliya

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News