Waddooyin ka mid ah Muqdisho oo la xadiday, shacabka oo walaac ka muujiyay

|

Qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, gaar ahaan jidka u dhexeeya Sayidka iyo KM4, ayaa maanta lagu arkayaa ciidamo iyo gaadiid ciidan oo xadidaya dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka.

Waddooyinka qaar ayaa lagu jaray biro iyo qalab kale oo lagu xakameynayo isu-socodka, iyadoo sidoo kale goobaha qaarkood lagu arkayo gaadiid ciidan oo ay saaran yihiin qoryaha culus.

Xaaladdan ayaa saameyn ku yeelatay dadka deegaanka, ganacsatada iyo gaadiidka isticmaala waddooyinkaasi, iyadoo dadka qaarkood ay sheegayaan inay cabsi iyo walaac ka dareemayaan xayiraadda lagu sameeyay waddooyinka.

Dad badan ayaa is weydiinaya sababta keentay in waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho la xadido iyo in tallaabadan ay la xiriirto xaalad amni oo gaar ah.

Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo si cad uga soo baxay dowladda Soomaaliya oo lagu sheegay sababta keentay xayiraadda waddooyinkan. Sidoo kale, lama oga muddada ay socon doonto xannibaadda iyo haddii ay tahay tallaabo ku-meel-gaar ah oo la xiriirta qorshe amni.

Xayiraadda waddooyinka ayaa sidoo kale saameyn ku yeelan karta ganacsiyada ku yaalla hareeraha waddooyinka la xiray, maadaama ay adkaan karto isu-socodka dadka iyo gaadiidka.

Shacabka ayaa dowladda ka sugaya inay bixiso faahfaahin ku saabsan sababta loo adkeeyay ammaanka iyo waddooyinka la xadiday, si dadka looga saaro walaaca iyo wararka aan la xaqiijin.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News