Wasiirka Degaanka iyo isbadalka Cimilada ee Soomaaliya Bashiir Goobe ayaa ka digay xaalad halis ah oo ka dhalatay biyaha roobka ee ku fatahay qaar ka mid ah xaafadaha Muqdisho, isagoo sheegay in laba qof ay ku dhinteen meel uu sheegay inay biyuhu ku uruureen, isla markaana haddii aan tallaabo degdeg ah la qaadin ay xaaladdu kasii dari karto.
Wasiirka ayaa sheegay in biyaha ku fatahay deegaanka ay la xiriiraan marinno biyo-mareenno ah oo uu sheegay in la xiray, taas oo keentay in biyihii roobka ay ku ururaan xaafadaha iyo guryaha ku dhow.
“Laba qof baa ku dhintay meeshaas,” ayuu yiri Wasiir Goobe, isagoo tilmaamay in xaaladda ay hadda marayso heer ay suuragal tahay in dadka xaafaddaasi ay doomo u adeegsadaan isku-socodka haddii aan xal degdeg ah loo helin.
Wuxuu sheegay in haddii biyaha loo sameeyo marin ay uga gudbaan deegaanka, ay suurtagal tahay in biyaha ku ururay xaafadaha ay si dabiici ah uga baxaan.
Wasiirka ayaa sidoo kale ku baaqay in maamulka Gobolka Banaadir uu qaado tallaabo degdeg ah oo lagu furayo ama wax looga beddelayo meelaha uu sheegay inay biyaha celinayaan.
“Gobolku waa inuu tallaabo ka qaadaa, uuna ganaaxa meeshaas biya celisa laga qaado,” ayuu yiri, isaga oo soo jeediyay in dib-u-habeyn lagu sameeyo waddooyinka ama meelaha biyuhu maraan si loo helo marin ku filan oo biyaha roobka looga saaro deegaanka.
Wuxuu intaas ku daray in haddii aan xal loo helin dhibaatada, dadka ku nool xaafadaha ay saameeyeen biyuhu ay wajihi karaan khatar sii kordheysa, gaar ahaan guryaha ku dhex yaalla meelaha biyuhu ku uruureen.
Goobe ayaa ka digay in haddii xaaladda aan wax laga qaban ay dhici karto in dadka deegaanka ay qasab ku noqoto inay ka guuraan xaafadaha ay biyuhu fataheen, isagoo xusay in dadka ku nool agagaarka safaaradda Turkiga iyo dhismayaasha kale ee deegaanka ay si gaar ah ugu nugul yihiin xaaladda.
Hadallada Wasiirka ayaa kusoo aadaya xilli roobab xooggan ay saameeyeen qeybo ka mid ah Muqdisho, iyadoo biyaha roobka ay sababeen fatahaado, xannibaad waddooyin ah iyo dhibaatooyin soo gaaray dadka ku nool meelaha biyo-mareennadu aysan si wanaagsan uga shaqeyn.

