Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dalbaday in si degdeg ah loo hakiyo dhaqangelinta amarka Ra’iisul Wasaaraha ee la xiriira tartanka furan ee shaqooyinka dowladda, ilaa laga ansixinayo xeerka cusub ee Guddiga Shaqaalaha Rayidka Federaalka.
Codsiga Guddiga ayaa ku jira warqad uu Guddoomiyaha Guddiga, Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi, u dirtay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo ku taariikhaysan 21-ka Sebtembar 2026.
Guddigu wuxuu sheegay inuu sameeyay qiimayn sharciyeed oo ku saabsan tallaabooyinka Xukuumadda ee la xiriira Guddiga Shaqaalaha Rayidka Federaalka, isagoo tixraacaya qodobo ka tirsan Dastuurka iyo xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.
Sida uu Guddigu ku sheegay warqaddiisa, Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee hadda jira wuxuu ka kooban yahay 14 xubnood, waxaana lagu dhisay Xeer Lr. 10 ee 2006, kaas oo Guddigu sheegay inuu ku salaysnaa Axdigii Ku-meelgaarka ahaa ee 2004.
Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ayaa ku doodaya in qaab-dhismeedkaas uusan waafaqsanayn Qodobka 158(3) ee Dastuurka Federaalka, kaas oo dhigaya in Guddiga Shaqaalaha Rayidka uu ka koobnaado 15 xubnood oo ay soo jeediyaan Golaha Wasiirrada, ansixiyana Baarlamaanka Federaalka, kadibna Madaxweynaha ku meel mariyo xeer Madaxweyne.
Guddigu wuxuu sidoo kale sheegay in Xeer Lr. 10 uu weli tixraacayo qodobo ka mid ahaa Axdigii Ku-meelgaarka ahaa ee 2004, taas oo uu ku tilmaamay mid aan la jaanqaadi karin qodobbada Dastuurka Federaalka ee hadda nidaaminaya madax-bannaanida Guddiga, tirada xubnihiisa iyo habka magacaabistooda.
Warqadda ayaa sidoo kale lagu xusay Qaraarka Lr. 132 ee 11-kii May 2023 iyo warqad kale oo summadeedu tahay OPM/0473/10/2023. Guddigu wuxuu sheegay in labadaas tallaabo ay faragelinayaan awoodaha iyo waajibaadka Dastuurku u asteeyay Guddiga Shaqaalaha Rayidka Federaalka.
Sida uu Guddigu sheegay, Qaraarka Lr. 132 wuxuu awoodaha la xiriira shaqaaleysiinta, isku-beddelka iyo dib-u-habaynta shaqaalaha rayidka u wareejiyey Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, taas oo uu Guddigu ku dooday inay ka hor imaanayso awoodaha dastuuriga ah ee Guddiga Shaqaalaha Rayidka.
Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in qaraarku uu meesha ka saaray habraacyo hore loogu nidaamin jiray shaqaaleysiinta, dallacsiinta, isku-beddelka iyo arrimaha kale ee maamulka shaqaalaha rayidka.
Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ayaa Golaha Shacabka ka codsaday afar arrimood oo waaweyn oo kala ah, In si degdeg ah loo hakiyo amarka fulineed ee Ra’iisul Wasaaraha ee la xiriira shaqaalaha rayidka, In la hakiyo Qaraarka Lr. 132 ee 11-kii May 2023 iyo warqadda OPM/0473/10/2023, In la dardargeliyo diyaarinta iyo ansixinta xeerka lagu faahfaahinayo shuruudaha xubnaha iyo habka shaqada Guddiga Shaqaalaha Rayidka, sida uu dhigayo Dastuurku iyo In Guddiga Shaqaalaha Rayidka Federaalka dib loogu dhiso qaab waafaqsan qodobbada 158 iyo 159 ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya.
Guddigu wuxuu gunaanadkiisa ku sheegay in maadaama uu aaminsan yahay in Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee hadda jira aan loo dhisin si waafaqsan Dastuurka, isla markaana uusan weli jirin xeerka faahfaahinaya qaab-dhismeedkiisa iyo shaqadiisa, ay su’aal sharciyeed ka taagan tahay saldhigga ay ku shaqeynayaan go’aannada Guddiga.
Warqadda Guddiga ayaa kusoo beegmaysa xilli Guddiga Shaqaalaha Rayidka Qaranka uu ku dhawaaqay dhaqangelinta amarka Ra’iisul Wasaaraha ee ku saabsan tartanka furan ee shaqooyinka dowladda.

