Shirweyne Sannadeedka Nabadda ee PDRC ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, doorka bulshada rayidka iyo caqabadaha horyaalla ka-qaybgalka haweenka ee siyaasadda dalka.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay siyaasiyiin, masuuliyiin hore iyo kuwa xilal haya, xubno ka tirsan bulshada rayidka, haween iyo aqoonyahanno, kuwaas oo ka hadlay muhiimadda ay leedahay in bulshada Soomaaliyeed ay si weyn uga qeyb qaadato siyaasadda iyo arrimaha dalka.
Intii uu socday shirku, waxaa si gaar ah loo dul istaagay kaalinta haweenka Soomaaliyeed, caqabadaha ay wajahaan iyo baahida loo qabo in haweenka loo abuuro fursado ay kaga qeyb qaataan hoggaanka iyo go’aan-qaadashada dalka.
Sheekh Fu’aad Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay mas’uuliyaddeedu ku ururtay gacanta siyaasiyiin tiro yar, isaga oo ku baaqay in bulshada inteeda kale ay door muuqda ku yeelato arrimaha dalka.
“Siyaasiyiin fara kutiris ah ayay Soomaaliya oo dhan u rahman tahay,” ayuu yiri Sheekh Fu’aad Maxamuud.
Doorka bulshada rayidka
Cabdillaahi Shariif Maxamed, Agaasimaha JVI, ayaa isna ka hadlay xiriirka ka dhexeeya bulshada rayidka iyo dowladda, isaga oo sheegay in labada dhinac aysan khasab ahaan isku hor imanayn.
Waxa uu sheegay in marka mid kamid ah labada dhinac uu xoog yeesho, kan kalena uu si uun u kobci karo, balse waxa isbeddelaya uu yahay qaabka uu mid kasta uga qeyb qaadanayo arrimaha bulshada iyo maamulka.
“Doorka bulshada rayidka iyo dawladdu iskama hor yimaadaan. Haddii midi xoogaysato tan kalena waa ay la xoogaysataa. Waxaana isbadala doorka oo kaliya,” ayuu yiri Cabdillaahi Shariif Maxamed.
Haweenka iyo siyaasadda Soomaaliya
Mid kamid ah qodobadii ugu waaweynaa ee shirka looga hadlay ayaa ahaa ka-qaybgalka haweenka ee siyaasadda Soomaaliya.
Ifraax Cabdinuur Faarax, oo ah Guddoomiyaha Midnimo Women Network, ayaa shirweynaha ka jeedisay warqad cinwaankeedu ahaa “Xaaladda Ka-qaybgalka Haweenka ee Siyaasadda Soomaaliya.”
Ifraax ayaa warbixinteeda ku muujisay doorka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin bulshada iyo hoggaaminta, iyadoo diiradda saartay caqabadaha horyaalla haweenka doonaya inay ka qeyb qaataan siyaasadda iyo go’aan-qaadashada.
Waxay tilmaantay in haweenku ay bulshada dhexdeeda ku leeyihiin door muhiim ah, balse ay weli jiraan caqabado u baahan in si wadajir ah wax looga qabto.
Marwa Bashiir: Diintu haweenka ma liiddo
Marwa Bashiir, oo ah Xildhibaan Federaalka ah, ayaa ka hadashay doodda ku saabsan diinta iyo kaalinta haweenka.
Waxay sheegtay in diinta Islaamku ay haweenka siisay sharaf iyo tusaalooyin wanaagsan, balse ay jiraan rag Soomaaliyeed oo dhaqankooda ama aragtidooda gaarka ah u soo bandhiga magaca diinta.
“Diintu waa na sharaftay oo tusaalayaal fiican baa ku jira. Diinteenu waa diin wanaagsan, laakiin ragga Soomaaliyeed ayaa ku soo dhuunta oo wixii ka guuxayay diin nooga dhiga,” ayay tiri Marwa Bashiir.
Hadalkan ayaa qeyb ka ahaa doodda ku saabsan caqabadaha bulshada iyo dhaqanka ee saameeya ka-qaybgalka haweenka ee arrimaha siyaasadda.
Cabdi Faarax Juxa: Raggu ha aqoonsadaan kaalinta haweenka
Cabdi Faarax Juxa, oo ah wasiir hore, ayaa soo jeediyay in ragga Soomaaliyeed ay aqoonsadaan kaalinta haweenka, halka haweenkuna ay sii xoojiyaan dadaalkooda ku aaddan waxbarashada iyo ka-qaybgalka bulshada.
Waxa uu sheegay in labada dhinac ay leeyihiin mas’uuliyad ku aaddan sidii loo horumarin lahaa kaalinta haweenka.
“Laba qodob baan talo ku bixin lahaa: raggu inay aqoonsadaan kaalinta gabdhaha oo weliba ay wax ku daraan, iyo gabdhuhuna in ay halgan dheeraad ah galaan oo ay waxbartaan. Labadaas qodob oo laysku dhafay ayaan qabaa,” ayuu yiri Cabdi Faarax Juxa.
Sahra Siciid Nuur: Haweenku waa inay abaabul yeeshaan
Sahra Siciid Nuur, oo ah wasiir hore, ayaa xoogga saartay baahida loo qabo in haweenka Soomaaliyeed ay isku xirmaan, abaabul sameeyaan, isla markaana ay door muuqda ka qaataan horumarinta bulshada.
Waxay sheegtay in haweenku aysan doonayn in kaalintooda lagu saleeyo baryo, balse ay rabaan inay helaan fursado ay ku muujiyaan awooddooda iyo kartidooda.
“Gabdhaha Soomaalida sidee laysugu xidhi karaa oo dhaqdhaqaaq loo samayn karaa. Dhab ahaan ma rabno in aan baryootanno. Inta dedaal laydin galiyay [ragga] ee waxbarasho ah ayaa annagana nala galiyay,” ayay tiri Sahra Siciid Nuur.
Dr. Saciima: Isbeddelka waa in bulshada laga bilaabaa
Dr. Saciima Cabdullaahi oo ka tirsan IRAD ayaa iyaduna sheegtay in loo baahan yahay in bulshada Soomaaliyeed aysan sugin cid kale oo u sameysa isbeddelka ay doonayso.
Waxay ku baaqday in dadka ay iyagu bilaabaan tallaabooyinka ay aaminsan yihiin inay wax ka beddeli karaan xaaladda jirta.
“War yaa inoo maqan oo waxan aan dhahayno hala sameeyo inoo samaynaya. Innaga weeye inaan samaynayno oo iska billowno,” ayay tiri Dr. Saciima Cabdullaahi.
Hadalkan ayaa xambaarsanaa baaq ku wajahan bulshada, gaar ahaan haweenka iyo dhalinyarada, si ay uga gudbaan sugitaanka xal dibadda uga imanaya, una bilaabaan dadaallada ay doonayaan inay ku gaaraan isbeddel.
Wasiirka Haweenka Puntland: Caqabadaha waxaa looga gudbi karaa dadaal
Hodon Siciid, Wasiirka Haweenka Puntland, ayaa sheegtay in caqabadaha horyaalla haweenka iyo bulshada guud ahaan looga gudbi karo dadaal, karti iyo dulqaad.
Waxay tilmaantay in qofka leh himilo iyo karti uu ugu dambeyn gaari karo hadafkiisa, xitaa haddii caqabado badan la hor dhigo.
“Caqabadaha waxaa looga gudbi karaa dedaal. Qofka hammiga leh ee kartida leh, si kastoo caqabado loo hordhigo, maalin uun ayuu guulaysanayaa. Dhaqankana waxa aan rajaynaynaa in uu isbeddel ku yimaado,” ayay tiri Hodon Siciid.
Doodda oo ku soo beegantay xilli siyaasadeed muhiim ah
Doodaha ka dhacay Shirweynaha Sannadlaha ah ee Nabadda PDRC ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayo dooddo siyaasadeed iyo bulsho oo ku saabsan qaabka loo maamulayo dalka, ka-qaybgalka bulshada iyo doorka haweenka ee siyaasadda.
Ka-qaybgalka haweenka ee siyaasadda Soomaaliya ayaa muddo dheer ahaa arrin dood ka taagan tahay, iyadoo haweenku ay ku baaqayeen in la kordhiyo fursadaha ay ku heli karaan xilalka siyaasadeed iyo kuwa go’aan-qaadashada.
Shirweynaha ayaa sidoo kale muujiyay in doorka bulshada rayidka uusan ku koobnayn oo keliya arrimaha bulshada, balse uu xiriir la leeyahay siyaasadda, nabadda, dowlad-dhiska iyo isla xisaabtanka.
Hadallada kasoo baxay ka-qeybgalayaasha ayaa guud ahaan xoogga saaray baahida loo qabo in bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka, ay yeeshaan isku xirnaan, waxbarasho, abaabul iyo ka-qaybgal dheeraad ah.
Doodda ayaa sidoo kale xustay in isbeddelka bulshada uusan ku imaan karin hal dhinac oo keliya, balse uu u baahan yahay in dowladda, bulshada rayidka, haweenka, ragga iyo qaybaha kale ee bulshada ay yeeshaan kaalmooyin kala duwan oo ku wajahan horumarinta dalka.







