DEG DEG: Duqeyn laga soo sheegay Baydhabo, ciidamada Laftagareen oo la wareegay Buurhakaba

|

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in duqeyn goordhow lala beegsaday magaalada, xilli xaaladda amni ee deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay sii cakirmayso.

Dadka deegaanka ayaa Kaab TV u sheegay in duqeymo laga fuliyey magaalada Baydhabo, halkaas oo uu fadhigiisu yahay maamulka uu hoggaamiyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe. Ilaa hadda lama oga cidda fulisay duqeynta iyo khasaaraha ka dhashay, iyadoo dadka magaalada ay muujinayaan cabsi ku aaddan xaaladda amni.

Dhanka kale, ciidamada taabacsan Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa la sheegay inay saaka waaberigii la wareegeen degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, kaddib dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka dhacay deegaanka.

Buurhakaba ayaa ah magaalo muhiim ah oo ku taalla gobolka Baay, waxaana ay door muhiim ah ku leedahay isu socodka gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqa ciidamada ee u dhexeeya Baydhabo iyo deegaannada kale.

Magaaladan ayaa sidoo kale muhiimad gaar ah u leh colaadda siyaasadeed iyo tan milatari ee ka taagan Koonfur Galbeed, maadaama ay ahayd goobtii uu ka billowday hawlgalkii hubeysnaa ee lagu sheegay in maamulka Laftagareen looga saaray Baydhabo dhammaadkii bishii Maarso ee sannadkan.

Dhaqdhaqaaqyada cusub ee ciidamada iyo duqeynta laga soo sheegay Baydhabo ayaa kusoo beegmaya xilli ay jirto xiisad u dhexeysa dhinacyada isku haya hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Ilaa hadda ma jiraan faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay duqeynta Baydhabo iyo dagaalka Buurhakaba. Sidoo kale, lama xaqiijin cidda ka dambeysa weerarka magaalada Baydhabo.

DHEERAAD:  Al-Shabaab oo hub, gaadiid iyo askar ku qabsaday Ceeldheer

Xaaladda labada magaalo ayaa weli u baahan dabagal iyo xog dheeraad ah, iyadoo la sugayo warar rasmi ah oo ku saabsan halka ay wax marayaan iyo tallaabooyinka ay qaadi doonaan dhinacyada isku haya gobolka.

Wixii kusoo kordha xaaladda Baydhabo iyo Buurhakaba, kala soco wararkeena xiga.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News