Dastuurka cusub ee Soomaaliya iyo magacaabista wasiirrada oo su’aalo ka dhalisay hirgelinta sharciga

|

Magacaabista xildhibaanno loo dhiibayo xilalka Golaha Wasiirrada ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida dowladda Federaalka Soomaaliya u hirgelinayso dastuurka cusub, gaar ahaan qodobbada kala saaraya xubinnimada Baarlamaanka iyo xilalka xukuumadda.

Arrintan ayaa soo baxday kaddib markii la sheegay in Xamsa Cabdi Barre uu Cabdiqaadir Cumar Macallin, oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, u magacaabay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda. Magacaabistan ayaa dhalisay dood ku saabsan in tallaabadaasi waafaqsan tahay dastuurka cusub iyo in kale.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa 7-dii Oktoobar 2026 sheegay in qodobbada dastuurka ee kala saaraya xubinnimada Baarlamaanka iyo xilalka wasiirnimo la dhaqan-gelinayo 14-ka Oktoobar 2026. Qodobbada la xusay waa 81(1)(f) iyo 117(3)(a). , qofka xildhibaan ah ee qaata xil wasiirnimo wuxuu luminayaa xubinnimadiisa Baarlamaanka, halka wasiirka xildhibaanimada sii wata uu luminayo xilka Golaha Wasiirrada.

Haddii magacaabista Cabdiqaadir Cumar Macallin ay dhacday kaddib waqtigaas, waxaa muhiim ah in la caddeeyo sida loo waafajiyay qodobbada dastuurka iyo xaaladda xubinnimadiisa Baarlamaanka. Si kastaba ha ahaatee, lama soo saari karo go’aan kama dambays ah oo ku saabsan sharciyadda magacaabista iyada oo aan la helin wareegtada rasmiga ah iyo faahfaahinta habraaca loo maray.

Dhanka kale, Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa 13-kii Oktoobar ansixiyay qaraar ku saabsan hirgelinta dastuurka cusub, waxaana la magacaabay guddi loo xilsaaray diyaarinta hindise-xeer lagu qeexayo qaab-dhismeedka xukuumadda, tirada xubnaheeda iyo waajibaadka hay’adaha dowladda. Guddiga ayaa loo qabtay muddo laba bilood ah si uu u soo diyaariyo hindise-xeerka.

DHEERAAD:  Howlgalka ka dhacay Gobolka Hiiraan

Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta soomaaliya ayaa sheegay in dastuurku dhaqan-gal yahay, balse hirgelintiisa loo marayo marxalado kala duwan. Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin Maxamuud, ayaa isaguna sheegay in hirgelinta dastuurku u baahan tahay xeerar dheeraad ah, diyaarinta hay’ado iyo waqti lagu dhammaystiro qodobbada kala duwan.

Hase yeeshee, diyaarinta xeerarka dheeraadka ah ma aha sabab si toos ah u baabi’inaysa waajibka lagu fulinayo qodob dastuur oo hore u dhaqan-galay. Sidaas darteed, dowladda waxaa muhiim u ah inay caddeyso tallaabooyinka ay qaadayso si loo hubiyo in magacaabista wasiirrada iyo shaqada hay’adaha kale ay waafaqsan yihiin dastuurka.

Khilaafka dastuurka ayaa sidoo kale leh dhinac siyaasadeed. Puntland, Jubbaland iyo qaybo ka mid ah mucaaradka ayaa diiday wax-ka-beddellada, iyagoo ku doodaya in aan heshiis siyaasadeed oo ku filan laga gaarin hannaanka dastuurka. Dowladda federaalku, dhankeeda, waxay ku adkaysanaysaa in dastuurka la ansixiyay uu yahay saldhigga sharci ee dalka.

Ugu dambayn, arrinta magacaabista wasiirrada waxay muujinaysaa baahida loo qabo in dowladda si cad u qeexdo sida ay u hirgelinayso dastuurka cusub. Waxaa muhiim ah in la ogaado sababta ay magacaabista xildhibaannada wasiirrada u socoto, haddii qodobbada kala saaraya labada xil la sheegay inay dhaqan-galeen.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News