Amniga Garoonka Aadan Cadde oo horseeday qorshaha rarista dhismayaasha ku dhow

|

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dardar gelinaysa tallaabooyinka lagu xoojinayo amniga garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, iyadoo qorsheynaysa in la raro ama la dumiyo dhismayaal loo asteeyay oo ku dhow garoonka.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya,  ee xilgaarsiintta Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa kormeer ku tagay garoonka, halkaas oo uu guddoomiyay shirkii shanaad ee isku-duwidda hay’adaha ka shaqeeya amniga iyo howlaha garoonka.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, badbaadada rakaabka, horumarinta adeegyada garoonka iyo qorshaha lagu rarayo ama lagu duminayo dhismayaal gaar ah oo ku dhow garoonka.

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta heerarka amniga ee garoonka Aadan Cadde, oo ah marinka ugu weyn ee duulimaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya, isla markaana door muhiim ah ku leh isku xirka dalka iyo caalamka.

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay hay’adaha amniga iyo kuwa duulista inay xoojiyaan wada-shaqeynta, si loo sugo badbaadada rakaabka iyo habsami-u-socodka howlaha garoonka.

Garoonka Aadan Cadde ayaa muhiim u ah duulimaadyada ganacsiga, safarrada diblomaasiyiinta, howlaha bani’aadannimo iyo safarrada kale ee muhiimka u ah dalka. Muhiimaddiisa istiraatiijiyadeed awgeed, amniga garoonka ayaa muddo dheer ahaa arrin mudnaan gaar ah leh.

Qorshaha lagu rarayo ama lagu duminayo dhismayaasha ku dhow garoonka ayaa qayb ka ah dadaallada lagu hagaajinayo deegaanka ku hareeraysan iyo wax ka qabashada caqabadaha la xiriira howlgalka iyo amniga garoonka.

Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiintu weli ma shaacin tirada dhismayaasha ay tallaabadani saameyn doonto, goobaha sida gaarka ah loo beegsanayo iyo waqtiga la fulinayo qorshaha rarista ama duminta, Kormeerka waxaa sidoo kale ka qaybgalay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo mas’uuliyiin kale oo sare.

DHEERAAD:  Dowladda Soomaaliya oo walaac ka muujisay hufnaanta lacag $153 milyan

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News