Dagaal ka dhex qarxay Soomaalida iyo Oromada Itoobiya oo sababay dhimasho iyo barakac

|

Ugu yaraan sagaal qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen isku dhacyo u dhexeeya bulshooyinka Oromada iyo Soomaalida ee magaalada Moyale ee ku taalla xadka deegaanka Soomaalida Itoobiya ka wadaago Kenya, halka kumannaan qofna ay ka barakaceen guryahooda, iyaga oo ka gudbay xadka Kenya, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Isku dhacyada ayaa la sheegay inay ka dhasheen muran la xidhiidha calanka dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya oo laga taagay deegaanka Kebele 02, oo ah aag maamul oo ay isku hayaan dowlad-deegaannada Oromiya iyo Soomaalida.

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in xiisaddu ay sii xoogaysatay 18-kii Oktoobar 2026, markii ay isku dhaceen labada bulsho, iyadoo gabar 13 jir ah oo lagu magacaabo Diqqoo Jaataan Aagaa ay ku dhimatay dhacdadaas. Si kastaba ha ahaatee, wararka laga helayo deegaanka ayaa ku kala duwan sida ay gabadhu u dhimatay, iyadoo qaar ay ku eedeeyeen booliska dowlad-deegaanka Soomaalida inay toogteen, halka kuwo kalena ay sheegeen inay ku dhimatay rasaas ay labada dhinac isweydaarsanayeen.

Reuters ayaa 23-kii Oktoobar soo xigatay masuul caafimaad oo ka tirsan isbitaal ku yaalla Moyale, kaas oo sheegay in ku dhowaad 30 qof oo dhaawac ah la keenay isbitaalka maalmo gudahood. Masuulka ayaa sheegay in afar qof ay dhinteen Khamiistii, halka shan kalena ay dhinteen Jimcihii, taas oo tirada dhimashada ka dhigaysa sagaal qof.

Dagaallada ayaa sidoo kale sababay in guryo dab la qabadsiiyo xaafado ka mid ah magaalada, sida ay sheegeen wararka deegaanka. Xiisaddu waxay saamaysay gaadiidka dadweynaha, ganacsiga iyo adeegyada hoteellada, iyadoo dad badan ay guryahooda ku go’doomeen cabsi laga qabo in rabshaduhu sii fidaan.

DHEERAAD:  Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo bilaabay wada-hadallo kala guurka ah oo looga gudbayo howlgalka siyaasadeed.

Guddoomiyaha gobolka Marsabit ee Kenya, Stanley Kamande, ayaa Reuters u sheegay in ugu yaraan 2,500 oo qof oo Itoobiyaan ah ay ka soo tallaabeen xadka, iyaga oo magangelyo iyo badbaado ka raadinaya magaalada Moyale ee dhinaca Kenya. Booliska Kenya ayaa sidoo kale sheegay in haweenay uu dhaawacday xabbad habow ah oo qoorta kaga dhacday, balse xaaladdeedu ay deggantahay kaddib markii ay heshay daryeel caafimaad.

Magaalada Moyale ayaa muddo dheer ahayd goob ay ka taagan yihiin muranno dhuleed iyo kuwo maamul oo u dhexeeya deegaanka Borana ee dowlad-deegaanka Oromiya iyo dowlad-deegaanka Soomaalida. Wararka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka federaalka Itoobiya ay farageliyeen si ay u dejiyaan xaaladda.

Dhanka kale, hay’adda Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa bilowday diyaarinta gargaar degdeg ah oo loo fidinayo qoysaska barakacay, iyadoo qorshaha hore uu yahay in gargaar la gaadhsiiyo 1,000 qoys.

Xaaladda amni ee Moyale ayaa weli walaac laga muujinayaa, iyadoo aan si madax-bannaan loo xaqiijin dhammaan wararka la xidhiidha khasaaraha iyo duruufaha ay isku dhacyadu ku bilowdeen.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News