Bangiga Adduunka oo ka digay culayska kharashaadka amniga ee saaran dhaqaalaha Soomaaliya

|

Soomaaliya ayaa wajahaysa caqabado dhaqaale oo sii kordhaya oo la xiriira maalgelinta ciidamada ammaanka, iyadoo taageerada dibadda ay hoos u dhacayso, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray Bangiga Adduunka.

Warbixinta dib-u-eegista maaliyadda guud ee Soomaaliya ayaa muujisay in kharashaadka sannadlaha ah ee amniga dalka ay ka badan yihiin hal bilyan oo doollar, iyadoo qayb weyn oo ka mid ah dhaqaalahaas ay bixiyaan saaxiibbada caalamka, isla markaana aan lagu darin miisaaniyadda dowladda federaalka.

bangiga Adduunka ayaa ka digay in dhimista qorshaysan ee ciidamada Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ay dowladda gelin karto xaalad adag, taas oo ku qasbi karta inay wajahdo kharashaad aysan awoodin ama ay hoos u dhacdo awoodda ciidamada ammaanka.

Digniinta Bangiga Adduunka ayaa ku soo beegmaysa iyadoo aan weli la hubin mustaqbalka taageerada Mareykanka ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), kaas oo ciidamada Midowga Afrika u fidiya adeegyo saadka oo muhiim ah.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa 18-kii Sebtembar sheegtay in Washington ay muujisay taageero ku aaddan in muddo 12 bilood ah lagu dhimo hawlaha UNSOS, kaddibna la xiro xafiiskaas. Ilo ay Reuters soo xigatay ayaa sheegay in muddada dhimista la filayey inay bilaabato Janaayo 2027, hase yeeshee jadwalku uu weli ku xirnaa wada-tashiyada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Qorshahan ayaa ka duwan rajadii hore ee ahayd in taageeradu dhammaato dabayaaqada 2026. Waxaana la qorsheynayo in la joojiyo taageerada UNSOS, balse ma aha dhammaan hawlgallada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

DHEERAAD:  Hirshabeelle oo ka hadashay wasiir looga dilay Muqdisho

Ciidamada Midowga Afrika ayaa xafiiskan ka hela adeegyo ay ka mid yihiin cuntada, biyaha, shidaalka, adeegyada caafimaadka iyo gaadiidka.

Soomaaliya ayaa weli wajahaysa khatarta amni ee Al-Shabaab, gaar ahaan gobollada bartamaha iyo koonfurta dalka. Miisaaniyadda qaranka ee 2026-ka, Baarlamaanka Federaalka ayaa difaaca iyo amniga qaranka u qoondeeyey ku dhowaad 271 milyan oo doollar, marka la barbar dhigo 257 milyan oo doollar sannadkii 2025-ka.

Qoondadaas waxaa ku jira ku dhowaad 185 milyan oo doollar oo loogu talagalay difaaca iyo 86 milyan oo doollar oo loogu talagalay amniga qaranka. Ciidamada qalabka sida ayaa loo qoondeeyey 177 milyan oo doollar.

 

Si kastaba ha ahaatee, lacagaha ku jira miisaaniyadda dowladda ayaa barbar socda taageero amni oo badan oo dibadda laga helo, taas oo aan lagu darin miisaaniyadda qaranka. Arrintan ayaa Soomaaliya u nugleynaysa isbeddel kasta oo ku yimaada maalgelinta caalamiga ah.

 

Warbixinta Bangiga Adduunka ayaa tilmaantay dhowr caqabadood oo saameyn kara awoodda hawlgal ee ciidamada, kuwaas oo ay ka mid yihiin habraacyada mushaharka oo leh galdaloolooyin, tirada ciidamada oo sii ballaaranaysa iyo kharashaadka oo inta badan ku urursan mushaharka iyo gunnooyinka.

Bangigu wuxuu ku taliyey in si joogto ah loo xaqiijiyo diiwaannada mushaharka ciidamada iyadoo la adeegsanayo xogta aqoonsiga jirka (biometric), si loo hubiyo saxnaanta xogta shaqaalaha iyo lacagaha la bixiyo.

Waxa kale oo uu soo jeediyey in miisaaniyadda amniga lagu saleeyo awoodaha hawlgal ee ciidamada looga baahan yahay inay fuliyaan, halkii diiradda ugu weyn la saari lahaa tirada shaqaalaha oo keliya.

Saldhigga dhaqaale ee gudaha oo xaddidan ayaa caqabad ku ah awoodda Soomaaliya ay ku dabooli karto kharashaadka amniga ee dheeraadka ah.

Sida lagu sheegay warbixinta, dakhliga gudaha ee Soomaaliya ayaa sannadkii 2025 lagu qiyaasay 6.3 boqolkiiba wax-soo-saarka guud ee dalka (GDP). Hase yeeshee, heerkaasi weli kuma filna daboolidda adeegyada aasaasiga ah ee dowladda iyo baahiyaha horumarineed.

DHEERAAD:  Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Sudan oo kasii dareysa

 

Bangiga Adduunka ayaa ku baaqay in khataraha la xiriira maalgelinta amniga lagu daro qorsheynta maaliyadeed ee guud, iyadoo sidoo kale la diyaargaroobayo hoos u dhaca deeqaha iyo cadaadisyada kale ee saameyn kara ilaha dhaqaale ee dowladda.

Warbixintu waxay tilmaantay in kordhinta dakhliga gudaha iyo kharash-gareyn hufan ay Soomaaliya ka caawin karaan maaraynta isbeddelkan, inkasta oo maalgelinta dibadda ay weli muhiim u ahaan doonto muddada dib-u-habaynta.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News