UNTMIS oo maanta soo afjaraya howlgalkii uu ka waday Soomaaliya, maxaa xigi doona?

|

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay in howlgalka Kaalmaynta Ku-meelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) uu soo afjarayo howlihiisa 31-ka Oktoobar 2026, kaddib muddo laba sano ah oo uu socday qorshaha kala-guurka ee lagu dhimayay doorka howlgalka Qaramada Midoobay ee dalka.

Go’aankan ayaa soo afjaraya marxalad muhiim ah oo xiriirka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ah, iyadoo dalka uu galayo xaalad cusub oo ku saabsan habka ay hay’adaha caalamiga ah u taageerayaan dowladda, gaar ahaan arrimaha nabadda, amniga, dib-u-heshiisiinta, dowlad-dhiska iyo horumarinta hay’adaha dowladda.

Xoghayaha Guud ayaa qoraalkiisa ku bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhinacyada dowlad-dhiska iyo xoojinta hay’adaha qaranka, isaga oo sheegay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, inkastoo howlgalka UNTMIS uu soo afjarayo waajibaadkiisa.

Taageerada mustaqbalka ayaa la sheegay inay sii mari doonto hay’adaha iyo xafiisyada kale ee Qaramada Midoobay ee ka howlgala Soomaaliya, kuwaas oo sii wadi doona shaqooyinka la xiriira nabadda, xasilloonida, xuquuqda aadanaha iyo horumarinta dalka.

UNTMIS waxaa la sameeyay 1-dii Nofeembar 2024, markaas oo uu beddelay howlgalka UNSOM ee Qaramada Midoobay, kaddib codsi ay dowladda Federaalka Soomaaliya u gudbisay Golaha Ammaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysay in muddo laba sano ah lagu wareejiyo shaqooyinkii howlgalka hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha kale ee Qaramada Midoobay, si loo xoojiyo lahaanshaha qaranka ee arrimaha dowlad-dhiska iyo nabadeynta.

Golaha Ammaanka ayaa 30-kii Oktoobar 2024 ansixiyay qaraarka tirsigiisu ahaa 2753, kaas oo dhigayay in howlgalka cusub uu si rasmi ah u bilaabo kala-guurka 1-da Nofeembar 2024, isla markaana soo afjaro howlihiisa ugu dambeyn 31-ka Oktoobar 2026. Qaraarka 2809 ee la ansixiyay bishii Diseembar 2025 ayaa mar kale xaqiijiyay taariikhdaas.

DHEERAAD:  Maxay ka dhigan tahay booqashada Guterres ee Soomaaliya?

Hannaanka kala-guurka ayaa loo qeybiyay laba marxaladood, iyadoo qeybtii koowaad xoogga lagu saaray taageerada dowlad-dhiska, xuquuqda aadanaha, cadaaladda, dib-u-habeynta amniga iyo isku-duwidda taageerada caalamiga ah. Marxaladda labaadna waxaa diiradda lagu saarayay in shaqooyinkaas si tartiib ah loogu wareejiyo hay’adaha Soomaaliyeed iyo xafiisyada kale ee Qaramada Midoobay.

Soo afjaridda howlgalka UNTMIS macnaheedu ma aha in Qaramada Midoobay ay gebi ahaanba ka baxeyso Soomaaliya. Xoghayaha Guud ayaa caddeeyay in hay’adaha Qaramada Midoobay ee dalka ka howlgala ay sii wadi doonaan taageerada dhinacyada horumarinta, nabadda, xasilloonida, xuquuqda aadanaha iyo adeegyada bulshada.

Shaqooyinkii UNTMIS waxaa lagu wareejiyay hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee Qaramada Midoobay, oo ay ku jiraan hay’adaha, sanduuqyada iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay.

Sidoo kale, howlgalka taageerada saadka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) ayaa sii wadi doona howlaha uu u hayo howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo dhinacyada kale ee uu waajibaadkiisu khuseeyo.

Arrintan ayaa ka dhigan in isbeddelka ugu weyn uu yahay habka loo maamulayo taageerada siyaasadeed iyo howlaha dowlad-dhiska, halkii ay ka ahaan lahayd in dhammaan taageeradii caalamiga ahayd ay meesha ka baxdo.

Inkasta oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in Soomaaliya ay horumar ka sameysay dowlad-dhiska, haddana dhammaadka howlgalka UNTMIS wuxuu ku soo beegmayaa xilli dalka ay weli ka jiraan caqabado siyaasadeed, amni iyo kuwo la xiriira dhismaha hay’adaha dowladda.

Mid ka mid ah arrimaha ugu waaweyn ee laga walaacsan yahay waa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafaadka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, murannada la xiriira dib-u-eegista dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka.

Waxaa sidoo kale jira su’aalo ku saabsan sida loo sii wadi doono wadahadallada siyaasadeed, dib-u-heshiisiinta iyo isku-dubbaridka taageerada beesha caalamka, marka uu dhammaado howlgalka muddada dheer xiriirka dhow la lahaa hay’adaha dowladda iyo dhinacyada siyaasadeed ee Soomaaliya.

DHEERAAD:  5 sababood oo guul u ah howlgalka hilaac{AKHRISO}

Dhanka amniga, Soomaaliya waxay weli wajahaysaa dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AUSSOM ay door muhiim ah ku leeyihiin howlgalada ka socda dalka.

Sidaas darteed, waxaa muhiim ah in hay’adaha amniga Soomaaliya ay yeeshaan awood iyo diyaar-garow ku filan oo ay kula wareegaan masuuliyadaha amniga, isla markaana ay sii xoojiyaan wada-shaqeynta ay la leeyihiin saaxiibada caalamiga ah.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay sii waddo taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada xoojinta hay’adaha dowladda, nabadeynta, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta dalka.

Baaqan ayaa muujinaya in inkasta oo howlgalka siyaasadeed ee UNTMIS uu dhammaanayo, haddana Qaramada Midoobay ay muhiim u aragto sii socoshada taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya.

Waxaa weli muhiim ah in la helo iskaashi joogto ah oo dhex mara dowladda Soomaaliya, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo dalalka taageera Soomaaliya, si looga hortago in kala-guurka uu abuuro caqabado cusub oo saameeya nabadda iyo xasilloonida dalka.

Dhammaadka howlgalka UNTMIS wuxuu Soomaaliya u noqonayaa marxalad cusub oo lagu tijaabinayo awoodda hay’adaha qaranka, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, dib-u-heshiisiinta iyo dowlad-dhiska.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadda wajahaysa masuuliyad sii kordheysa oo ku saabsan qabashada shaqooyinkii ay horay taageeradooda uga heli jirtay howlgalka Qaramada Midoobay.

Su’aasha ugu weyn ayaa ah in hay’adaha dowladda ay awood u yeelan doonaan inay si buuxda ula wareegaan shaqooyinkaas, isla markaana ay ilaaliyaan xiriirka ay la leeyihiin beesha caalamka.

Waxaa sidoo kale la isweydiinayaa sida loo sii wadi doono taageerada siyaasadeed ee dhinacyada ay ka jiraan khilaafaadka, gaar ahaan xilliyada ay Soomaaliya wajahdo muranno ku saabsan dastuurka, doorashooyinka iyo xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.

DHEERAAD:  Soomaaliya oo rabta wada hadal ay la gasho Al-Shabaab

Ugu dambeyn, soo afjaridda UNTMIS ma aha dhammaadka xiriirka Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya, balse waa dhammaadka howlgal gaar ah oo muddo laba sano ah loo diyaariyay inuu shaqooyinkiisa ku wareejiyo hay’adaha kale.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News